Taleex, 16 April, 2014 (Himilo)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gaadhay, isla markaana la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Taleex ee gobolka Sool oo xarun u ahayn Kooxda la baxay Khaatumo State, ka dib markii ay shalay ku ruqaansadeen Ciidanka jiidda hore ku sugani, sida uu Wargeyska Himiu xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Qaranka Kornayl Cismaan Cabdillaahi Siciid.
Inkasta oo wararka qaar sheegeen in Ciidamada Qaranka Somaliland dagaal kula wareegeen degmada Taleex, haddana sida uu Wargeyska Himilo oo waraysi gaara khadka taleefanka kula yeeshay uu u sheegay Afhayeenka Ciidanka Qaranku xalay, ma jirin wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Malleeshiyada Khaatumo State la baxday ayaa Warbaahinta u sheegay inaanu jirin wax dagaal ah oo dhex-maray iyaga iyo Somaliland ee ay magaalada iskaga baxeen markii Ciidanka Qaranku galay. Halka Maamul-goboleedka Puntland-na uu ku andacooday inay bilaabayaan dagaal ka dhan ah Somaliland.
Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Korneyl Cismaan Cabdillaahi Siciid oo Wargeyska Himilo u warramayey, waxa ugu horreyn aannu weydiinnay sida ay Ciidanka Qaranku ku gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool, waxaanu ku jawaabay; “Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, oo saaka (shalay) subaxii ka dhaqaaqay gobolka Sool ayaa maanta (shalay) duhurnimadii gaadhay degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, si nabadgelyo ah ayey ku gaadheen, wax dhibaato ah oo ka horyimidna ma jiraan, illaa haddana way ku sugan yihiin, waxaanay fadhiisimo ka dhigteen gudaha iyo hareeraha magaalada Taleex.”
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ujeedada Ciidanka Qaranku u tegey degmada Taleex ay tahay sugidda ammaanka iyo kormeerka gobolka ee had iyo jeer Ciidanka Qaranku ku tallaabsado. Afhayeenka oo aannu weydiinnay in Ciidanku ku sii sugnaan doono degmada Taleex iyo in uu dib uga soo noqonayo, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Wuu ku sugnaanayaa Ciidanku Taleex, dibna uma soo noqonayo…” Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in Ciidanka Qaranku kala kulmay dadweynaha ku dhaqan degmada Taleex soodhaweyn.
“Taleex waa degmo ka tirsan gobolka Sool oo Somaliland ka mid ah, markaa cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa ku gaadhay halkaas hab kormeer ah. Meesha cadow iyo cid aannu ku duulnaa ma jiraan oo si caadi ah ayaannu ku tagnay, waana nalagu soo dhaweeyey. Wax dagaal iyo iska hor imaad ah oo dhacay midna ma jiraan, meeshana si nabadgelyo ayaannu ku tagnay, Khaatumo-na meesha kumaannu ogeyn oo hadda ma joogin, maamul Fedel ah oo halkaas joogayna ma jirin.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Kornayl Cismaan Cabdillaahi Siciid.
Wararka kale ee madaxa-bannaan ee aannu ka helayno degmada Taleex ayaa sheegaya in dhawaanahan magaalada Taleex ka socotay diyaar-garowga shir la sheegay in lagu qabanayo magaaladaas, gaar ahaan goobtii hore loogu qabtay shirkii Khaatumo, balse dadweynihii ku dhaqnaa degmada taleex, ayaa markii Ciidanka Qaranku gaadhay ka dib boobey agabkii shirkaasi loogu talo-galay, sida ay sheegeen wararka Wargeyska Himilo ka helay deegaankaas.
Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa go’aamiyey dagaal ay la galaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo ku andacooday inay cambaaraynayaan tegitaanka Ciidanka Somaliland ee Taleex oo ay ku tilmaameen inay Somaliland ku duushay dhul ay Puntland leedahay, iyaga oo iska indha-tiraya lahaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland ee deegaankaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (indho-guran), oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas, ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada Cabdiwali Gaas shir deg-deg ah oo ay ka yeesheen tallaabada ay Ciidammada Qaranka Somaliland kula wareegeen magaalada Taleex ay ka soo saareen qodobbo uu ka mid yahay inay Puntland dagaal kaga jawaabto tegitaanka Taleex ee Ciidanka Somaliland.
Qodobbada uu Warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Maamul-goboleedka Puntland, waxay u qornaayeen sidan:- “1. Dawladda Puntland waxay Cambaareynaysaa xad-gudubka qaawan ee Somaliland, waxayna uga digaysaa cawaaqib xumada ka iman doonta gardarradaas. 2. Duullaanka Madaxwayne Siilaanyo ku soo qaaday dhulka Puntland, waxay salka ku haysaa fashilka Maamulkiisa. 3. Somaliland waxaannu uga digaynaa la shaqeynta iyo taageerada kooxda Al-shabaab.
4. Puntland waxay in badan ku baaqeysay nabadgalyada iyo deris wanaagga, haddiise taa la waayo, Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo dadkeeda iyo dalkeeda, waxayna qaadi doontaa tallaabo u qalanta xad-gudubka Somaliland. 5. Waxaannu ogeysiinaynaa ururrada IGAD, Midowga Afrika iyo beesha caalamka in aanay Puntland u dul-qaadanayn gar-darro dambe, haatanna tallaabo ku habboon ficilka saaka (shalay) dhacay ay qaadi doonto.”
Afhayeenka Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo Maxamed Maxamuud Cabsiiye (Gaaxnuug) oo shalay subax markii Ciidanka Millateriga Jamhuuriyadda Somaliland gaadheen Taleex ku sugnaa, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay inaan dagaal ka dhicin gudaha Taleex ee markay galeen Ciidanka Qaranka Somaliland ay Malleeshiyadoodu ka baxday, isla markaana waxa uu sheegay in tallaabada ay Somaliland halkaas ku gaadhay hordhac u tahay dagaal ay doonayso inay la gasho Maamulka Puntland oo uu sheegay inay Khaatumana ka tirsan tahay.
“Dagaalkani Somaliland ku timi Taleex maaha mid loola jeedo Khaatumo, balse waa dagaal ay doonayso inay Puntland ku qaaddo oo deegaanno Puntland ka tirsan ku qabsato, Khaatumana waa Puntland, Puntland-na waa Khaatumo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka kooxda la-baxday Khaatumo State. Mar la weydiiyey goorta ay Puntland ku biireen Khaatumo ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Waxa la yidhi Buur ahaw ama Buur ku tiirsanoow, markaa Puntland iyo Khaatumo waa isku mid.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment