Monday, April 14, 2014

Wasiir Xirsi oo ka waramay ujeedada socdaalka weftiga xukuumadda ee degmada cadaadley



Hargeysa (Himilo) Wasiirka madaxtooyada jamhuuriyada somaliland mudane Xirsi Cali X. Xasan oo ka mid ahaa wefti xukuumadda ah oo socdaal hawleed maanta ku tagay degmada cadaadley oo ka tirsan gobolka maroodi jeex. Wasiir Xirsi ayaa qoraal uu kaga waramayey socdaalkaasi waxa uu ku baahiyey barta internetka uu ku leeyahay ee la yidhaa Guusha.com waxaanu u dhignaa sidan:-  xirsi cadaadleySafar Xogogaal-nimo ah oo aan maanta ku tegnay Degmada Cadaadley. Marka xooga bulshada la mideeyo isla markaana lagu daro awooda dawladda ayey cid walba ku dhiiran doontaa in ay wax inala qabtaan “Waaba Hadii aan u baahano” Waxay ahayd maanta ka dib markaan safar ujeedadiisu tahay Xogogaal-nimo,xog raadis iyo indho-indhayn u tegnay Degmada Cadaadley, Waxaan degmada ku tegnay wafti balaadhan oo ka kooban Wasiiro, iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan, Xaalada degmada ayaa u muuqatay mid Illaahay loogu mahad naqo, Jawiguna wuxuu ahaa mid maalmo kooban ka hor roob raxmad ah helay isla markaana dad iyo duunyo lagu diirsaday. Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadley waxay nagu qaabileen dareen farxad iyo soo dhawayn leh, waxaananu si dhab ah uugu soo kuur galnay goobaha ay kamid yihiin, dugsigii hore ee Boarding-ka ahaa, beeraha, jidka iyo guud ahaanba xaalada degmada. Wasiir walba wuxuu qalbiga iyo qalinkaba ku qaatay goobta kaga beegan dedaalka loogu jiro horumarinta dalka gaar ahaan degmada aan maanta joognay. Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadley waxay cod dheer ku sheegeen in ay dedaalka dalka oo dhan ka socda ee iskaa wax u qabso ah ay dhankooda iyo dhinacooda qabanayaan isla markaana ay xoog, xeelad iyo xoolaba iskugu geyn doonaan horumarinta degmadooda iyo guud ahaan dalka Waxaa hubaal ah in aynu wax walba qabsan karno, cidna u caban mayno inaga oo ceelkeena qodan karna.

Wa Bilaahi Tawfiiq.                                            


Himilomedia.com Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment