Tuesday, April 15, 2014

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Oo Beeniyey Inuu Kalluun Bakhti ahi ku Soo Caariday Xeebo Ku Yaalla Gobolka Sanaag




Hargeysa (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax  (Buureed), ayaa ka Hadlay  Warar sheegaya inay Xeebaha Gobolka Sanaag ee Somaliland uu Ku soo Caariday Kalluun Bakhti ah  ay  waxyeelleeyeen Kalluumaysato Ajaanib ah oo Badda Gudaheeda ku jirtaa.


Wasiir Cali Jaamac oo  Xafiiskiisa ugu warramayey Qaar ka mid ah Saxaafadda Somaliland, ayaa sheegay inaanu jirin wax kalluun oo bakhtigiisu soo caariyey, isla-markaana aanu Warkaasi isaga soo gaadhin,  “Arrintaas (Kalluunka Soo Caariyey) Saxaafadda  sheegtay baa nooga war roone, annigu wax allaale iyo wax aanu kala soconaa iyo kalluun meel ka soo Caariyey garan maayo meel ay ka soo Xigteene ma ogi,” ayuu yidhi Wasiir Buureed.


Sidoo kale waxa uu Wasiir Buureed ka Hadlay Tallaabooyin wasaaraddiisu ku hawllanayd oo dhammaanba dadka Kalluumaysata ah  ee ka hawl gala Somaliland loogu samaynayey Kaadhadh aqoonsi, waxana uu yidhi “Gobolka Saaxil ilaa iyo saddex boqol iyo siyaado  Kalluumaysto ah ayaanu soo diiwaangelinay oo sawiiro ka soo qaadnay, haddana waxa socda sidii Kaadhadhka loogu samayn lahaa, Gobolada kalena toddobaadkan ayaa loo ambabaxayaa, haddana waxa la gelayaa xilligii xagaaga ahaa ee Badddu kululaanaynaysay, waxana aanu doonaynaa inaanu ka Hor marino intaanay Baddu kululaan oo aanay Kalluumaysatu  xagaa-bixin,”


Wasiirka ayaa faahfaahiyey sababta wasaaarad ahaan ay uga dan leeyihiin Aqoonsiga ay siinayaan dadka ka kalluumaysta xeebaha Somaliland ee Sharciyan la aqoonsan yahay, waxana uu yidhi,“Tallaabadaasna waxanu uga Gol Leenahay inaanu Qorkii kalluumaysata ahaa ee qofkii kale ku gabanayey ama Tahriib ha wado ama Budhcad-badeed ha ahaado ama ajaanib kaleba ha Ahaadee lagu kala garanayey, waxana kala Caddaanaya yaa muwaadin ah oo xaq u leh inuu kalluumaysto iyo yaa Ajaanib ah oo aan xaq u lahayn”


Wasiir  Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa sheegay inay  Haatan jiraan Ganacsato reer Somaliland oo horumar ka sameeyey arrimaha Kalluumaysiga,isagoo tilmaamay inuu ku niyadsan yahay iskudayada iyo ku dhiirrashada ay ku bilaabeen ka ganacsiga Kalluunka oo inta badan Somaliland dhexdeeda aan cidi xiisaynin.


Waxa kale oo uu wasiirku  tilmaamay  in Gaabiska ay dadka Reer Somaliland ka gaabiyeen inay Baddooda Kalluunka ka Soo Gurtaan ay Fursad siisay Ajaanib tiro badan oo u soo shaqo tegay Kalluumaysi sharci darro ah, kaas oo ay wasaarad ahaan Dedaal badan ka Galeen sidii ay uga Hortegi lahaayeen.


Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland ayaa Dalka u qaabilsan Arrimaha Maamulka      Hannaanka Looga Kalluumaysto Xeebaha Dalka, iyadoo Awoodna u leh inay bixiso Ruqsado sharci oo ah  oo Maraakiib iyo Doonyo Ajaanib ahi kaga Kalluumaysan karaan Xeebaha Somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment