Thursday, April 17, 2014

Ingiriiska oo Sheegay inay Wax ka beddelayaan Qaybo ka mid ah Digniinihii Socdaalka ee Somaliland iyo Carwo Maal-gashi oo dalkiisa lagu Qabanayo




Hargeysa, 17 April, 2014 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska, ayaa ballan-qaadday inay beddelayso digniinaha dhinaca ammaanka ee ay hore uga shaacisay Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.


Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds oo xarunta madaxtooyada uu ku qaabilay madaxweynaha Somaliland, ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday shir-jaraa’id oo ay wada-jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ku sheegay inay dawladdooda meesha ka saarayso qaybo ka mid ah digniinihii socdaalka ee ay ka bixiyeen Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.


Wasiirku waxa uu daboolka ka qaaday xaddiga dhaqaale dawladdiisu u qorshaysay inay ku taageerto Somaliland, isla markaana ay diyaarin doonaan qorshe magaalada London lagaga abaabulayo carwo maalgashi oo ganacsatada Ingiriiska lagu baraarujinayo fursadaha ganacsi ee Somaliland.


Mr Mark Simmonds oo ugu horreyn ka hadlayey waxyaabaha ay ka wada-hadleen kulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirradiisa, waxa uu yidhi, “Waxaan madaxweynaha iyo wasiiradiisa yeelanay wada-xaajood dhinacyo badan taabanaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kana mid tahay hoos-u-dhigida digniinaha socdaal oo aanu ku faraxsanahay inaan fulino arrinkaa, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Waxaan kale oo isla soo qaadnay fududeynta kulan maalgashi ah oo lagu qabto magaalada London, si ganacsatada Ingiriisku xog-ogaal ugu noqoto fursadaha ganacsi ee ka jira Somaliland.


Mr. Simmonds oo la weydiiyey wakhtiga wakhtiga xukuumadoodu isbeddelka ku samaynayso digniinahoodasocdaalka ee ay hore uga baahiyeen Somaliland, ayaa sheegay inay ugu dambayn maanta oo Khamiis ah wax-ka-beddel buuxa ku samaynayaan digniinaha dhinaca ammaanka ee ay hore u shaaciyeen, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.


“Digniinaha Socdaal waxa loogu tallogalay nabadgelyada muwaadiniinta Ingiriiska. Balse waxa in muddo ah soo baxayey werwer xukuumada Somaliland ka qabtay israacinta digniinaha socdaal ee guud ahaan waxaan u naqaano Soomaaliya. Waxaan u sheegay Madaxweynaha iyo wasiiradiisa inaan samaynay baadhitaan balaadhan oo xaqiiqada ku salaysan, maaha go’aan siyasadaeed ee go’aan xaqiiqada ku salaysan, inaan hoos u dhigno digniinaha socdaal eeku saabsan gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Waxaanan sidaa ku muujin doonaa isbeddelkaa digniinaha socdaal caawa (xalay) ama berri (maanta) in magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ka nabadgelyo wanaagsan yihiin dhamaan magaalooyinka Somaliland iyo qeybaha kale Soomaaliya,” ayuu yidhi Mr Simmonds.


Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska, waxa uu sheegay inuu Somaliland kala hadlay sii amba-qaadka wada-hadallada Somaliya, waxaanu carrabka ku dhuftay inay dhaqaale gaadhaya 95 Milyan oo Gini ku caawin doonaan Somaliland sannad kasta, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka caddeynayaa ballanqaad dhaqaale oo hay’adda horumarinta caalamka ee Ingiriisku sannad walba siin doonto Somaliland oo gaadhaya 95 Milyan oo Pound oo lagu taageerayo dhinacyada muhiimka u ah Somaliland.”


Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska, ayaa ka hor intii aanu shalay socdaalka ku soo gaadhin magaalada Hargeysa, waxa uu maalintii dorraad magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment