Hargeysa (Himilo) Shirkada diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa markii ugu horeysay dalka somaliland keentay diyaarad ka diwaan gashan dunida gaar ahaan qaarada yurub, islamarkaana ku jirta caymis caalami ah.
Shirkada daallo airlines ayaa diyaaradan cusub ee ay dalka ka hawl galinayso nooceedu yahay Air bus A321, oo qaadaysa 230qof , diyaaradani marka ay ka duusho madaarka hargeysa ee cigaal international airport waxay si toos ah u tagaysaa magaalada dubai, iyadoo aan meel kale ku sii hakan.

Madaxda Shirkadada Daallo Airlines ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorshaha ugu jirno inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagayso Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fududaynaysa safaradooda.
Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa dad rakaab ah oo maanta diyaarad u raacay Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shirkada Daallo ku amaanay adeegani, waxaanu yidhi:- “ Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, galabta ayaanu halkan Madaarka Cigaal ka raaci doonaa INSHA ALLAH, waxaanay toos noo gayn doontaa magaalada Dubai, taasi waxay meesha ka saari doontaa in dadku ay Transit ku noqdaan Jabuuti wakhti badanina uu halkaasi kaga sii lumo, waa fursad dadka reer Somaliland u soo kordhay shirkada Daallo Airlines waan ku amaanayaa hawsha diyaarad Air Buss A321 iyo dadaalka kale ee ay wadaanba.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment