Tuesday, April 15, 2014

Madaxweyne Silaanyo oo tacsi u diray qoyskii iyo qaranka somaliland ee uu ka baxay marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde




Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde  oo ku geeriyooday 15/04/2014, Dalka Ingiriiska, gaar ahaana waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Qoyska Reer Xaaji Ismaaciil Jirde Aw Cali.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir tusaale u ahaa saxaafada ku hadasha afka Soomaaliga, iyo Erey bixinta Somaliga, oo uu ku soo kordhiyey kelmedo badan oo soomaali ah, waxa uu ahaa siyaasi iyo Suxufi ruug-cadaaya, Xilal badana ka soo qabtay Dawladihii Soomaalida.


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment