Taleex (Himilo)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Taleex ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in ciidanka qaranka Somaliland ay si rasmi ah haatan ula wareegeen Magaalada Taleex.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in aanay la wareegidda magaalada kala kulmin wax iska Caabin ah, iyagoo ay halkaas iskaga baxeen kooxihii khaatumo oo hore gacanta ugu hayey.
Ciidamda ayaa la sheegayaa inay wataan Baabuurta Gaashaaman ee Ciidamada, waxana ay haatan fadhiisimo ka samaysteen Goobo Magaalada Hareereheeda ah iyo waliba Saldhigyada caadiga ah ee Magaaladu leedahay.
Dadka shacabka ah ee magaalada Deggen ayaan iyagu wax qax iyo barokac midna samaynin, waxana Guud ahaanba deggen jawiga magaalada iyadoo aan wax colaad ah laga dareemayn marka laga reebo warwar ay shacabku ka qabaan in kooxihii Khaatumo weerar ku soo qaadaan magaalada.
Magaalada Taleex waxa ay ku taallaa Goobo Istaraatiiji ah, waxana muddooyinkii ugu dambeeyey gacanta ku hayey kooxaha Khaatumo oo iyagu si weyn uga soo horjeeday Somaliland iyo waliba maamulka Puntland oo iyaga qudhoodu halkaas Sheegta.
Sidoo kale Magaaladan ayaa ah Goobtii lagu Aasaasay Maamulka Khaatumo oo ilaa iyo Haatan Dagaal kula jira Somaliland, waxana ay sheegaan inay Tahay Magaalo Madaxda Maamulkooda.
Tallaabadan ay ciidanka qaranku ku qabteen Magaalada Taleex ayaa ah isku day geesinimo leh oo lagu soo xeraynayo dhulka ka maqan gacanta Somaliland, waxana Yididiilo iyo niyad-wanaag badani dareemaya shacabka ku dhaqan Guud ahaanba Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment