Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
13/4/2014ka, Hargeysa,
Qormada: 4aad
Waa Qod: 27aad, Faqradda 1aad ee ku xusan Bogga 14aad ee Dastuurkii wax-ka-beddelka lagu sameeyay Maarj, 2008kii, Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu u dhigan yahay sidan:
1. Golaha Dhexe ee Xisbigu waa hay’adda hagaysa hawlaha Xisbiga inta u dhexeysa labada Shirweyne, waxaanu ka kooban yahay 170 (boqol iyo toddobaatan) xubnood oo aanay ku jirin xubnaha ku soo gala Golaha xilka ay hayaan dartii (ex-officio members).
Qodobkani wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u qeexayaa in tirada ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ay xeer ahaan noqonayaan ugu yaraan 340 ergey. Waa ugu yaraan waayo Dastuurka Kulmiye xagga srae kama xaddidin tirade ergooyinka Shirweynaha. 340ka eregey ayaaba badan.
Ilaa immika inta aynu og nahay tirada loo qoondeeyay Shirweynaha Kulmiye waa 1162 ergey. Faro badanaa! Oo weliba lagu qaybiyay qaab qabiil ee aan loo raacin Dastuurka Xisbiga Kulmiye oo aanay dhismihiisa qabiilladu meel ku lahayn ama kaba soo gelinba.
Bal hadda aynu tagno dalkaa Shiinaha oo ugu dad badan adduunyada. Dalkaa waxa ka taliya Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha. Xisbigaas xubnaha ka tirsan ee sida rasmiga ah u diiwaan-gashani waa 82.6 malyuun oo qof. Shirweynihii Xisbigaas Shuuciga ah ee 18aad oo qabsoomay bishii Noofambar 2012kii, waxa ka soo qayb-galay oo dadka farahaa leh ka wakiil ahaa ama masilayayba 2,270 ergey oo ka kala socday 40 goob-doorasho (constituency). Afartankaas goobood, 31 ka mid ah ayaa ahaa gobollada dalka ama (Provinces).
Waxa hadba xiskayga ku soo dhaca tuduc ku jiray maanso uu tiriyay Cabdillaahi suldaan, Timacadde 1970kii oo uu saadaal kaga bixinayay horumarka dawladaha, waxaanu yidhi:
“Anfariirka Shiinahan dhigee, Yurub ka uugaantay,
Ee alif malyuun gaadhayaa, waa ushaa qudha e’,
Waa kaa alaabada cul-culus, ogadaw diraye,
Innaga oo aan ardaa buuxin baad, kala irdhowdeen,”
Dastuurka Xisbiga Kulmiye ku soo noqo. Ergooyinku ugu yaraan waa in ay ahaadaan 340. Iyaga oo aan xagga sare ka xaddidnayn waa taas laga dhigay 1162 ergey ee weliba lagu qaybiyay reernimada iyo qolada. Dastuurka Kulmiye wuxu ka hadlayaa halka ay ka imanayaan ergooyinku.
Qodobka 16aad, Faqraddiisa 5aad waxay u qoran tahay:
5. Shirweynaha Xisbigu wuxu ka kooban yahay:
b. Tirada xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga,
t. Dhammaan xubnaha Xisbiga eek u jira Golayaasha qaranka,
j. Ergooyin ka socda laamaha Xisbiga ee dalka iyo debeddiisa,
Halkan kuma arkaynno qolooyin lagu salaynayo ergooyinka Shirweynaha. Dastuurka Xisbiga Kulmiye ma oggola ka Qarankuna ma oggola. Weliba Dastuurka Xisbiga Kulmiye intaa waa uu sii dhaafayaa oo wuxu odhanayaa ama qorayaaba:
Qodobka: 16aad, faqraddiisa 7aad:
Qaabka ergooyinka loogu qaybinayo gobolladu dalku waxay ku salaysnaanaysaa codadka guud ee doorashadii ugu dambeysay ee Golaha wakiillada saamiga Xisbigu ka helay gobol walba.
Sidaas ayuu dastuurku u qeexayaa oo aanu uga hadlayn reero iyo beelo Xisbiga ku jira sida immika ergooyinka loogu qaybiyay. Waa qalad iyo gef ka yimid hoggaanka Xisbiga ee loogu taag la’ yahay in ay shirarkooda ku qabsadaan Xarunta Xisbiga.
Waa ay adag tahay sida uu ku qabsoomayo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye. Xeerkaa ilaa xad wanaagsani waa uu u qoran yahay ee aanay ku dhaqmin. Dhismaha Xisbiga Kulmiye kuma jiraan reeruhu, bal se wuxu u qaybsan yahay oo Dastuurka si cad ugu qoran dhismahan hoos ku yaalla:
1. Shirweyne,
2. Golaha Dhexe,
3. Guddida Fulinta,
4. Xafiisyada madaxa bannaan sida: Xisaabiyaha iyo,
5. Gobollada,
6. Degmooyinka,
7. Laamaha oo dibad iyo Gudeba leh,
Dimuqraadiyaddii Xisbiga Kulmiye iyo xuquuqdii xubnaha ayaa meel lagaga dhacayaa. Xisbiga xukun-daaddejinta caynkaas ah leh ayaa arrinkiisii ka dhammaan la’ yahay Hargeysa iyo meelo aan Xisbiba looga talin. Ergooyinkii Hargeysa ayaa lagu xulayaa oo lagu qaybinayaa. Guddidii Qaban-qaabada waa loo gacan-dhaafay oo wax hoggaan lagu sheegayo oo aan Dastuurka Xisbiga Kulmiye meel aan ku lahayn ayaa la eeday oo la dagaalay.
Waxaynu eegnaaba waa Xisbiga Kulmiye iyo sida uu isu barraxo isla markaana u qabsado Shirweynihiisan lagu raagay ee lagu rafaaday.
Halkaas ayaynu kaga baxaynaa mowduucan innaga oo ka dhur-sugayna farsamayaqaannada aan la mahadin ee arrintan gacanta ku haya. Ayaan-darraduna waxay ku jirtaa in hawl-gab laga dhigay hay’adihii Xisbiga oo dhan arrinkiina ku ururay gacmaha koox yar oo hoggaan-sheegato ah iyo guryaha Madaxtooyada iyo Sylici.
Dhammaad.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment