Hargeysa: (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa si weyn ugu ammaanay Madaxweynaha Somaliland Hannaanka uu Dalka u Hoggaamiyo.
Wasiir Cabdi Aw Daahir oo munaasibad soo Dhaweyn ah oo xisbiga Kulmiye u qabtay Taageerayaal ku soo biiray, ayaa ku sifeeyey Madaxweyne Siilaanyo Geed hadhac ah oo la Hadhsado, “xisbiga kulmiye waxa Hogaamiya oo barnaamijkiisa fuliya oday Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Damal La Hadhsado dhinacyada aynu ka joogno, taariikh fogna dalka ku lahaa,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.
Wasiirka ayaa isagoo Hadalkiisa Sii Wata si Hoose u dhexgalay Astaamo uu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo Gaar u leeyahay, waxana uu yidhi, “waxa Madaxweynaha u astaan ah Afar shay oo kala ah Dul, damal la hadhsanaayo, Dun-wanaag iyo inuu shacabka Somaliland isku keeno mid bari jooga iyo mid galbeed joogaba, waxana uu doonayaa inuu Taariikh ka tago oo dalkan horumar laga gaadho.”
Ammaantan uu wasiirka Xannaanada Xooluhu u jeediyey Madaxweynaha Somaliland, ayaa ku Soo Beegmaysa xilli uu Madaxweyne Siilaanyo sii Gebogebayno Muddo Shan sano ahayd oo uu Hoggaanka Dalka Hayey, waxaana lagu wadaa inuu isku Soo Sharraxo Shanta Sano ee Dambe Doorashada Soo Socota, maadaama uu Distoorku u fasaxayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment