“Niman Baa nagu Yidhi qoladiina Labtop-yada sidataa umalayn mayno inaad
Askarta iyo jabhadda meesha(kulmiye) joogta la heshiin doontaan, waxana
aanu ku nidhi askarta waanu garanaynaa oo xalane ayaanu…..” Axmed-keyse
Hargeysa:(Himilo-)Xog-hayihii Guud ee hore ee Xisbiga Mucaardka ah ee UCID Axmed Aadan Keyse isaga iyo xubno miisaan leh oo uu hoggaaminayaa ku soo biireen Xisbiga Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee ay la kulmeen tan iyo markii ay Xisbiga Ucid iskaga Baxeen.
Eng Keyse ayaa si saraaxad leh u soo bandhigay Dhacdooyin iyo kaftanno siyaasadeed oo isaga iyo saaxiibadii ay la kulmeen xilliyadii ay ku hawllanaayeen ku biiridooda xisbiga Kulmiye.
Axmed Keyse waxa uu hadalkaas ka sheegay hadalo xan ahaa oo saaxiibadii hore ee Xisbiga ucid ka daba tuureen markii ay Go’aankooda qaateen,“Markii aanu xisbigii ucid ka Baxnay Magacyo iyo Naanayso ayey Saaxiibadday nala Daba Galeen oo waa waji ku-macaashyo iyo wax kale ayey yidhaahdeen, markii laba bilood kadib la maqlay inaanu u xusul duubanahay inaanu kulmiye ku Biirayno berigii hore waxa na mari jirey Hanfi Kulul iyo dabayl, laakiin markii ay maqleen in naacow waliba Baraf wadataa na Martay ayey na yidhaahdeen ma kulmiye ayaad Gelaysaan, waxana ay Kulmiye Gelistiisu ka dhigeen nin Somaliland dafiray jiritaankeediina ka Tegay” ayuu yidhi Axmed keyse.
Eng. Axmed Aadan Keyse waxa uu sheegay sababaha ay ugu soo Biireen xisbiga Talada Haya iyagoo mucaarid soo ahaan jirey, waxana uu yidhi, “Waxanu isku qancinay inuu Xisbiga Kulmiye u Baahan yahay Ciidan, ciidankaas oo Nimcadaas fadh-fadhida dalkeena wixii la Riixayna la Riixa, wixii la Dhaqaajin kari waayeyna la dhaqaajiya”
Sidoo kale waxa uu Axmed Keyse dadkii Halkaas joogay iyo Masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye-ba hortooda ka sheegay Hadallo wax lagaga Sheegayey Hoggaanka Kulmiye oo dhegahooda ku soo Dhacayey ayaamahan iyo jawaabihii ay ka bixiyeen, waxana uu yidhi,“Niman Baa nagu Yidhi qoladiina Lab-top-yada sidataa umalayn mayno inaad Askarta iyo jabhadda meesha joogta la heshiin doontaan, waxana aanu ku nidhi askarta waanu garanaynaa oo xalane ayaanu soo Marnay oo dig, debci, naso, digtoonow, hore u soco, dib u soco, midig raac iyo Bidix Raacna waynu odhane oo iyagana waanu la keenaynaa, taasna nalagu cabsiin maayo.”
Axmed Aadan Keyse Oo Muddo badan ahaan jirey Xubin adag oo ka tirnayd Xisbigii Udub, isla-markaana Meel adag iska Taagi jirey Xisbigan uu Haatan ku Biirey ee Kulmiye, ayaa imika Go’aansaday inuu ku Biiro kulmiye, waxana isaga iyo Koox kale oo uu hoggaaminayaa si Rasmi ah ugu biireen Xisbiga Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment