Tuesday, May 20, 2014

Boolis badan oo Kenya laga laayey iyo Xaalad qasan oo ka taagan Magaalada Mandeera ee dalkaas




Mandera, 20 May, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska magaalada Mandeera gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ayaa lix ka mid ah dhimashadooda la xaqiijiyey halka shan ka tirsanaana la layahay, ka dib markii ay ka daba-tageen dablay hubaysan oo Baabuur qaad sidday ka afduubay deegaankaas. Sidoo kale illaa saddex weerar oo qaarkood khasaare sababeen ayaa ka dhacay isla Mandeera.


Wararka ka imanaya magaalada Mandheera oo ku taalla soohdinta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay illaa toban Askari oo ka tirsan Booliska waddanka Kenya, kuwaasoo shan ka mid ah dhimashadooda la xaqiijiyey shan kalena la la’yahay. Waxa sidoo kale jira Beelo wada dega deegaankaas oo iyagana dagaal ku dhex-meray deegaankaas oo dad iska laayay.


KenyatigaWaxay wararku sheegayaan inay halkaas ka dheceen illaa saddex weerar, oo midkood dhacay ka dib markii ay koox dablay ah oo aan la aqoonsani weerareen saddex Baabuur oo laba ka mid ah ay kooxdaasi gacanta ku dhigeen ka dibna ay kaxaysteen, halka ka saddexaadna ay goobtii waddada uu marayey kaga tageen.


Markaa ka dib waxa la sheegay inay Booliska Kenya ee magaalada Mandeera ay hawlgal ay ku dabagalayaan kooxdaas sameeyeen, isla markaana goobtii gaadhiga saddexaad lagaga tegay markii ay gaadheen ay weerar la kulmeen, isla markaana ay halkaasi lix Askari ku dhinteen illaa shan Askari oo kalena la la’yahay. Laakiin, waxa la sheegayaa inaan la kala ogeyn in Askarta gaadhiga waddada lagaga tegay qarax loogu xidhay iyo inay dablaydu ku hareeaysnaayeen gaadhiga, balse waxay wararku sheegayaan in khasaare badani ciidanka Booliska halkaas uu ka soo gaadhay.


Waxa jira warar kale oo sheegaya in tirada dhimashada Askartu intaas ka badan tahay oo ay illaa 12 Booliska ka tirsan halkaas lagu dilay, mana jiro weli war sugan oo ay dawladda Kenya kaga hadashay khasaarahaas. Balse mid ka mid ah Siyaasiyiinta laga doorto deegaankaas ayaa BBC-da u xaqiijiyey dhimashada lixda Askari.


Dad Xoolo-dhaqato ah oo ka kala tirsan laba Beelood oo wada dega Miyiga Mandeera inay iyaguna islaayeen oo dagaal hubaysani dhex-maray, kuwaasoo maalmahanba ay diriri ka dhaxaysay, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la xaqiijin isu geystay oo dhinacba dhinaca kale khasaare gaadhsiiyey.


Weerar saddexaad, ayaa la sheegay in isla waddadaas uu ka dhacay, kaasoo lagu rasaaseeyey Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Mandeera, kaasoo BBC-da u xaqiijiyey in weerarkaasi dhacay, balse nasiib-wanaag aanay wax khasaare ahi ka soo gaadhin. Sidoo kale, Odayaal Dhaqameed doonayey inay deegaan Mandeera ka tirsan kaga qaybgalaan Shir-nabadeed laba beelood lagu heshiisiinayey in iyagana jidka lagu weeraray, balse aan iyagana wax khasaare ah la soo gaadhsiinnin.


Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya oo weerarro kala duwan oo nabadgelyada waxyeelaya, qaarkoodna dhimasho iyo dhaawacyo sababay hore uga geystay deegaannada kala duwan ee dalka Kenya, isla markaana marar badan ku hanjabay inay guud ahaan si muuqata u khalkhal-gelin doonaan ammaanka dalka Kenya illaa inta ay dawladda Kenya Ciidammadeeda kala baxayso gudaha dalka Soomaaliya oo ay Kumannaan Askari oo Millateri ahi ka joogaan, kuwaasoo ka mid ah Ciidanka dalalka Midawga Afrika ee AMISOM ka joogaan Soomaaliya, oo garab-siiya dawladda Soomaaliya.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment