Tuesday, May 20, 2014

Boqolaal Tahriibayaal Sucuudigu hore u soo Mastaafuriyey oo laga Qab-qabtay Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya




Herer, 20 May, 2014 (Himilo)- Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xilliyo kala duwan ku qab-qabteen Xuduudka u dhexeeya Somaliland tahriibayaal tiradoodu kor u dhaafayso Kun qof oo rag iyo dumar isugu jiray oo isku dayay inay u soo tallaabaan dhinaca Somaliland.


Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay Somaliland u sii dhex-marayeen dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, halkaas oo ay doonyo uga raaceen dhinaca dalka Yemen, sida ay dawladda Itoobiya sheegtay.


Taliyaha booliska gobolka Hererge ee xaruntiisu tahay magaalada Herer, Tassew Chalew, ayaa sheegay inay qabteen dad gaadhayey 700 oo isku doonayey inay soo galaan Somaliland.


"Waxa la qabanayey muddo bil gaadhaysa maalin walba. Saddex maalmood hortood waxaan qabanay dad gaadhaya 700 boqol oo isku dayeyey inay ka talaabaan xuduudka Somaliland,” sidaa waxa yidhi Taliye Chalew.


Taliyaha ayaa sheegay in dadka ay qabteen badankooda hore looga soo mustaafuriyey dalka Sacuudiga. "Badi waxay ahaayeen dadkii laga soo mustaafuriyey dhowaan dalka Sacuudiga oo Itoobiya mamnuucday in loo shaqo tago," ayuu yidhi Chalew oo u warramay World Bulletin.


Chalew ayaa sheegay in dadka la qab-qabtay lagu wareejiyey qoysaskoodii. "Itoobiyaankii laga hor istaagay inay u gudbaan Somaliland waxa la geeyey xarun dhaqan-celin oo dawladdu kala kaashatay UNHCR iyo IOM," ayuu Chalew yidhi oo intaas ku daray inay jiraan boqolaal kale oo bishan gudaheeda ay dib ugu celiyeen dalkooda.


Tahriibayaasha u dhashay dalka Itoobiya ee inta badan dhuumashada ku gala waddamada Carabta, ayaa marin ka dhigtay Somaliland iyaga uga sii gudba magaalada Boosaaso oo ay doonyo ka raacaan iyo dalka Jabuuti oo ay doonyo ka raacaan xeebta gobolka Obokh ee dalka Jabuuti, waxaana in badan dhacda in tiro badan oo ka mid ah ay ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ku qab-qabtaan magaalada Xuduudka ku taala ee Wajaalle, in kasta oo tiro badan oo ka mid ahi fursad u helaan inay safar dhuumasho ah ku maraan gudaha Somaliland iyaga oo taageero ka helaya dillaaliin waddani ah iyo darawallada baabuurta oo lacago xad-dhaaf ah ka qaata.


 Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment