Thursday, May 1, 2014

Khasaaraha ka dhashay mudaharaad ka dhacay magaalada wajaale




Hargeysa (Himilo)Hal qof ayaa ku geeriyooday mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada  Tog-Wajaale ee  gobolka gabiley.


mudaharaad wajaaleMudaharaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay guddoomiyihii hore ee Wajaale Qowrax Muuse Xuseen oo xabsiga loo taxaabay, taasoo dadweynuhu ka cadhoodeen  ka dibna ay ciidanka amnigu rasaas ay rideen ku dhacday nin wadada marayey oo aan ku jirin dadka mudaharaadayey.


Ninkan geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa macalin wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee wajaale, waxa kale oo   dhaawac fudud kasoo gaadhay haweenay ka dib markii dhagax wajiga uu kaga dhacay, halka askarta qudhoodu dhaawacyo fudud oo dhagax iyo budad u badani gaadheen.


Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xadhiga guddoomiyihii hore ka dhashay arrimo dhul oo la isku haystay ka dib markii uu cid u xukumay lahaanshaha dhulkan, iyadoo qoladdii laga xukumay dhulka ay ku doodeen in  waraaqdaasi uu guddoomiyihi hore saxeexay intii xilka laga qaaday, halka qolada kalana ku doodayaan in wakhtigii uu guddoomiyaha degmadda Wajaale ahaa uu saxeexay waraaqda lahaanshaha dhulka.


Hase yeeshee, dadweynuhu ka gadoodeen xadhiga gudoomiyihii hore, isla markaana mudahraadka uu sii xoojiyey dhimashada ninka shacabka ah, waxaana illa hadda dadweynuhu hor fadhiyaan saldhiga magaaladda oo la dhigay Maydkii xabaddu ku dhacday.


Wasiirro uu horkacayo wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancadde ayaa u duhurkii u anbabaxay magaaladda Wajaale si ay usoo damiyaan buuqa ka taagan magaaladaasi.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland       

No comments:

Post a Comment