Hargeysa (Himilo) Maayirka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa casuumad qaddo ah u sameeyey hogaanka xisbiga kulmiye ee doorashaddii ku guulaystay iyo ergooyinkii martidda u ahaa caasimadda ee goboladda kale ka yimid.
Casuumadan qaddada ah ee golaha deegaanka Hargeysa u sameeyey hogaanka xisbiga kulmiye waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka, wasiirada wasaaradaha Arrimaha dibadda, Maaliyadda, ciyaaraha, xildhibaanadda golayaasha deegaanka Hargeysa iyo golaha Wakiiladda ah iyo marti sharaf kale.
Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa ugu horeyn u hadal kooban u jeediyey ayaa waxa uu yidhi:- “madaxweyne ku xigeenka Somaliland, guddoomiyaha xisbiga kulmiye iyo ku xigeenadiisa iyo dhamaan wasiirada xildhibaanada madax dhaqameedka taageerayaasha xisbiga kulmiye ee casuumadan ka soo qaybgalay waan idin salaamay, waa tii shirweynihii soo dhamaaday waxaana qaddo sharafta ugu samaynay inaan ugu mahadnaqno guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye ku xigeenka 3aad Maxamed X Yuusuf (Waabeeye), guddoomiye ku xigeenka 4aad Cabdraixmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye ku xigeenka 5aad Cabdiraxmaan Maxamed (Talyanle), iyo xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf, waxaan idin leeyahay hambalyo hogaanka xisbiga loo doortay, waxaanu intaas raaciyey ‘in badan baa la lahaa kulmiye shirkiisu ma qabsoomayo waa lagu kala tagayaa, xisbiga kulmiye waa xisbi la isqanciyo qof waliba rabitaankiisa uu ka dhex sheegto ka bacdi la isku tanaasulo, iyadoo marka dambe ku soo dhamaata in la is afgarto, waxaan leeyahay hogaanka khilaafkii waa inaad dhamaysaan oo aad noqotaan dadka midnimadda iyo xisbiga ka shaqeeya”
Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna waxa uu yidhi:- “waxaan u mahad celinayaa maayirka Hargeysa ee iska xil saaray inuu xisbiga taladda haya u sameeyo casuumad, waxaan u rajanayaa inay dadaalkaasi ay ku jiraan ilaahay la garabgalo, isla markaana wax badan ku soo kordhin doonaan caasimadda”ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maayirka uga mahad celiyey casuumadda, isagoo sheegay inuu maayirku dadaalayo, isla markaana wax badan ka qabtay hawlihii loo doortay, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo doonaya inuu magaaladiisa qurxiyo wax badana qabtay mudadii uu xilka hayey.
Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxaan u mahad celinayaa maayirka Hargeysa iyo golihiisa deegaanka ee maanta casuumad balaadhan noogu sameeyey hoteel maansoor, guusha kulmiyana waa mid lagu yaqaano oo markasta oo hawl la qabanayo inkastoo lagu kala aragti duwanaado hadana kulimiye marka ugu dambeeya hawlihiisa wuxuu ku dhameeystaa si wanaagsan oo la isku afgarto, waxa kale oo aan leeyahay taageerayaasha noo codeeyey iyo kuwo aan noo codeynba waa dimuqraadiyadda waa shacabkayagii waa taageerayaashii waan u mahad naqayaa, hadda laga bilaabo wada jirka xisbiga iyo ta Somalilandba waanu ka wada shaqayn doonaa”.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment