
Allaah ha u naxariistee Magacyada Labada Marxuum ee ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa kala ahaa Marxuum Jaamac Xasan Ceerigaabo iyo Marxuum Yuusuf Maxamed Diiriye. Kuwaasoo Meydkooda loo qaaday dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si halkaas loogu aaso.
Magacyada Dadka ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa iyaguna waxay kala ahaayeen sidan:
1- Sidiiq Xirsi Cismaan
2- Sulaymaan Jaamac Xayd
3- Qadaro Axmed Abokor
4- Axmed Ciise Madar
5- Cabdiraxmaan Muuse.
Tacsi Qoraal ah oo ka soo baxday shalay xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa oo khasaarahaas lagaga hadlay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Himilo, ayaa qoraalkeedu u dhignaa sidan:-
“Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhammaan Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan Xaasaskii, Carruurtii, Eheledii iyo Qaraabadii ay ka baxeen labada Marxuun ee Marxuum Jamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yusuf Maxamed Diiriye oo ku geeriyooda Shil baabuur oo shalay ka dhacay magaalada Burco, Marxuumintaas oo ka mid ahaa Weftigii soo dhaweyay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasoo ka soo baxay magaalada Burco.
Waxaannu Eebbe uga baryayna inu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan innaga siiyo, inta ku dhaawacantay Illaahay waxaannu uga baryaynaa in uu siiyo caafimaad sareecana.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Tacsida ah ee uu soo saaray Xisbiga WADDANI.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment