
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo kulanka sagootiska ah ka hadashay, ayaa kormeerayaasha kula dardaarantay inay ka dheeraadaan wax kasta oo qas gelin kara goobaha imtixaanaadka lagu qaadayo, waxaanay tidhi, “Imtixaanka waxaynu u qaadaynaa in carruurtu waxbarato oo dadaasho oo ay u diyaargaroobaan. Markaa waxaan idin waydiisanayaa inaad carruurta dejisaan oo aan goobta qas la gelin, lana shaqaysaan cid masuuliyiinta, booliska iyo waalidkaba, waayo kormeeruhu haddii aannu meesha uu masuulka ka yahay dejin oo aannu gacanta ku qaban waxa ka yimaada dhibaatooyin.”
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Imtixaanka waxa ka masuul ah kormeeraha loo dhiibo, waayo waxaannu aragnay dad badan oo caawiyaha ka soo noqda sabab ay qish u sameeyaan ama cid uu danaynayo goobtaa uu kormeeraha ka yahay si ay ugu shaqeeyaan, markaa adiguna haddii aad masuuliyaddaadii wareejiso mushkiladeeda ayey leedahay.
Qodobka kalee khatartiisa leh ee aan idinka dardaarmayaa waxa weeye, imtixaanka waa mamnuuc kormeere ama caawiye ha noqdee in iyadoo aan fasalka lala gelin in dibadda lagu sii furo warqadda,” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment