Xaflad lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jabuuti oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyne Geele, Raysal-wasaaraha Jabuuti iyo madax kala duwan, waxa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Cirka Jabuuti Wahiim Muuse Qalinle oo ka hadlay qiimaha ay diyaaraddani u leedahay xidhiidhka labada waddan. “Diyaaradan cusub ee dalka Shiinahu deeqa inoo siiyey waxay sii joojin doontaa hawlgalka ciidanka cirka Jabuuti. Waxa kale oo dhowaan iman doona laba diyaaradaha qumaatiga u kaca oo lagu so dayac-tirayo dalka Ruushka,” ayuu yidhi Taliye Wahiim MuuseMadaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geele ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray hangar weyn oo loogu tallogalay keydka qalabka dayactirka ee diyaarada dalka shiinahu ugu deeqay ciidanka cirka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment