Hargeysa:14-April-2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa Maanta ugu Baaqay Saxaafadda Madaxa Bannnaan iyo Midda Dawladdaba inay si Buuxda uga Qayb qaataan kor u qaaddida qabanqaabada loogu jiro Maalinta Madax-bannaanida somaliland ee 18-ka May.
Wasiir cukuse ayaa saxaafadda ka codsaday inay muhiimad siiyaan sidii ay u soo Bandihgi lahaayeen qiimaha ay maalintaasi leedahay,
“18-kii may way dhawdahay, saxaafadda Madaxa Bannaan iyo midda Dawladduba waxay ku leeyihiin kaalin muhiim ah oo muuqata, waxaana aynu u baahanahay inta ka Hadhay maalintaas inaynu soo bandhigno 18-ka May inaynu soo Bandhigno taariikhda ay ka dhaltay ee fog iyo sida ay u somaliland maanta u joogto heer ay dal ahaan u qalanto in la aqonsado inay saxaafadu soo Bandhigto.” Ayuu yidhi wasiir cukuse.
Wasiirka ayaa sidoo kale Tilmaamay Baahida loo qabo sidii loo magacaabi lahaa Guddiyo qabanqaabo oo Hawshaas gala, waxaana uu yidhi, “waxanu doonaynaa inaynu Magacaabno guddiyo Qabanqaabo oo Hawshaas ka Hawlgala iyo Tiimam u diyaargarooba Soo Diyaarinta Barnaamijyadaas oo aynu wakhti hore bilaabi doono, Idaacadaha, tv-yada iyo Joornaalada intaba, dhammaanteena muwaadiniin baynu nahay, waxana ina Saaran Waajib iyo xil muwaadinnimo oo Gudashadiisu aanay Fududayn.”
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa ugu dambayntii ugu Baaqay dhammaanba warbaahinta dalka inay si Hagar la’aan ah uga hawlgalaan sidii ay bulsho-weynta Caalamka ugu soo Bandhigi lahaayeen Horumarka ka jira Somaliland.
Sidoo kale waxa uu Wasiirku saxaafadda kala dardaarmay inay ka Dheeraadaan Wararka ay Baahinayaan ee salka ku haya arrimaha qabyaaladda iyo reerahaba, isagoo ku dheeraaday sida looga baahan yahay inaan dadka la kala qaadqaadin oo la isku duubnaado.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment