Monday, April 14, 2014

Maamulka Jaamacada Hargeysa Muxuu Ka Yidhi Lacagta ay Ardayda Ku Kordhiyeen Ee Mudaharaadka Keentay?




Hargeysa:14-April-2014(Himilo)-Maamulka Guud ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa Markii ugu Horraysay Ka Hadlay Lacagta ay ku Kordhiyeen Ardayda Jaamacadda ee Mudaharaadka Dhalisay.


Maamulka Jaamacadda Hargeysa ayaa ku Adkaysanaya inaanay Haatan jirin wax lacag ah oo kordhiyeen, balse ay socoto lacag ay kordhiyeen Bilowgii Semester-kii hore ee Sanad-jaamacadeedka.


 


Sidaasi  waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Jaamacada Hargeysa oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Himilo Media, kaas oo u dhignaa sidatan:


 


War saxaafadeed:


 


Maamulka Jaamacada Hargeysa waxa uu la socodsiinaya dhammaan ardayada Labbaad, waalidkoodaba iyo bulshadaba: In lacagtii la kordhiyey bilawgii Semesterkan aan wax isbedel ahi ku iman ayna tahay sidan hoos ku qoran:






·        Kulliyadda sayniska oo hore looga qaadi jiray $157.5, waxa hadda laga dhigay $200


·        Kuliyadda Dhaqaalaha oo hore u ahayd $157.5, waxa imminka laga dhigay   $200


·        Kulliyadda Ganacsiga oo markii hore ahayd $157.5, waxa hadda laga dhigay $200


·        Kulliyadda ICT oo hore u ahayd $190, waxa hadda laga dhigay $220


·        Kulliyadda sharciga oo markii hore dhamayd $180, waxa imminka laga dhigay $210


·        Kulliyadda Injineerinka oo ahayd $180, waxa hadda laga dhigay $210


·        Kulliyadda caafimaadka oo semistarkii 1aad ahaa $215, waxa simisterka labaad laga dhigay $235 doollar.


In maamulka Jaamacaddu si weyn ugu mahad celinayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sarre, talaabadoodii deeqsinimada lahayd ee ay ardaydaasi kaga bixiyeen intii lagu kordhiyey Semesterkii Dhamaaday.


In ay ardaydu Bixiyaan Fii-ga oo dhammaystiran.


Fee-ga la kordhiyey waxa uu wax ka tari doonaa haddii alla yidhaa


1.inay Jaamacaddu si hagar la’aan ah u bixin karto kharashaadka shaqo-maalmeedka, iyo mushaharooyinka shaqaalaha (Maamuul iyo Macalinba), soo jiidato dadka aqoonta leh.


 


2. In la tayeeyo adeegyada ardayga loogu tallo gelay sida :kalaasyo ku filan, kuraasi munaasib ah, library, laababka Science, Cumputerada, Projectorada, iyo garoomada Ciyaaraha


 


3. in ay kor u qaaddo daryeelka shaqaalaha, kobcinta xirfaddooda, iyo dayctirka dhismayaasha iyo qalabka jaamacadda.


 


4. in jaamacaddu ka baxdo dakhliga ka hooseeya Kharashka (Deficit)


 


5. in kor loo qaaddo bilicda guud ee jaamacadda sida: dhiraynta, waddeynta, iyo sameynta goobaha nasashada.


 


 


 


Allaha Mahad leh.


 


Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed.


 


Guddoomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment