Nairobi, 13 April, 2014 (Himilo)- Hay’adda caalamiga ah ee u doodad Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa cambaaraysay, isla markaan xad-gudub iyo tacaddi ula-kac ah ku tilmaantay hawlgallada ay Booliska dalka Kenya ku ururinayaan Soomaalida Qaxoontiga ah ee ku dhaqan dalkeeda, gaar ahaan magaalada Naibori oo ay Xabsiyada ka buuxiyeen, qaarkoodna mastaafuriyeen.
War-Saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Amnesty Internatinal, ayay ku sheegtay in qaxoontiga Soomaalida iyo dadka magangelyo doonka ay haysato xaalad ah laba daran mid dooro ah. Amnesty, ayaa sheegtay in kumannaan kun oo qof ay gaadhayaan dadka ay Boolisku ka uruuriyeen magaalada Nairobi, iyada oo intaas ku dartay inaanu jirin qof qaxoonti ah oo la diiwaangeliyey tan iyo bishii December ee sannadkii 2011-kii, ka dib markii la xidhay xarumihii la isku diiwaan-gelin jiray, sidaa awgeedna ay Soomaali badan oo colaadaha ka qaxay oo aan qaxoonti ahaan loo diiwaangelini ku nool yihiin dalkaas.
Amnesty, ayaa intaa ku dartay in dad badan oo u qalma in la siiyo magangelyo iyo inay qaxoonti noqdaan in laga hor-istaagay, taasoo keeneysa in lagu celiyo Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin iyo dembiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha.
Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Amnesty ee qaaradda Afrika Michelle Kagari, ayaa sheegtay in kumannaan kun oo qaxooti Soomaali ah iyo dad magangelyo-doon ah oo aan la diiwaangelin ay haysato xaalad xun oo aan caadi ahayn. “Waxay wajahayaan xadhig iyo musaafuris, sababtoo ah lama diiwaangelinnin, balse waabay adagtahay in la qaabbilo.” Sidaa ayay tidhi Ku-xigeenka Agaasimaha Afrika ee hay’adda Amnesty International.
Dowladda Kenya, ayaa qaxoontiga ku riixeysa inay raacaan sharci, isla markaana aanay jirin meel kale oo looga leexdo oo ay abuureyso, iyadoo loo muujinayo inaan la tixgelineynin xuquuqdooda bini’aadamnimo, sida ay sheegtay Amnesty.
Qaxootiga Somalida ah ayaa u sheegay Amnesty International inay haysato cabsi, garaacid iyo xadhig sharci daro ah oo ay kala kulmayaan ciidamada ammaanka oo guri-guri u u baadhaya xaafadaha ay Somalida degan yihiin.
Hay’adda u dooda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International oo la hadashay ama waraysatay qof lagu soo gaabiyay magaciisa Axmed oo 26 sano jir ah, waxay sheegtay in Wiilkaasi u sheegay in 7-dii bishan April la geeyay garoonka Kasarani si warqadihiisa aqoonsiga loo baadho.
Axmed ayaa tilmaamay in habeen-badhkii ay gurigiisa ku garaaceen booliska oo ay weydiiyeen aqoonsigiisa, waxa uu xaqiijiyay inuu dhammaaday waqtigii loogu talagalay sharciga uu haystay. Waxaanu intaa raaciyay in loo sheegay inaanu sax ahayn aqoonsiga uu watay, laguna tuuray gaadhi, lana geeyay Kasarani.
Dadka magangalyo-doonka ah ee aan la diiwaan gelin waxay ku jiraan halis, ayey tidhi hay’adda oo sheegtay in dadka haysto warqadaha saxda ah la xidhayo, la handadayo oo si xun loola dhaqmayo.
Maxamed, oo ka mid ah dadkii laga qabtay 6-dii bishan April meel ku dhow xaafadda Islii, ayaa Amnesty International u sheegay; “Afar Askeri ay joojiyeen, ayna weydiiyeen kaadhkiisa aqoonsiga. “Waaxan tusay kaadhkeyga qaxootiga, waxay igu yidhaahdeen maaha sax, waxay iweydiiyeen inaan bixiyo 35 kun oo lacagta Kenya ah ($400 dollar). Markan bixin waayay waxay igu dheheen Al-shabaab baa tahay wayna i kexeeyeen.” Sidaa ayey Hay’addu Warbixinteeda ku sheegtay.
Maxamed waxaa lagu xidhay garoonka Kasarani halkaas oo qaxooti badan lagu baadhayo. Maalin tii xigtay waxaa la siidaayay Isaga iyo 47 qof oo kale, balse hadda aqoonsi ma haysto “Markii ay nagu celiyeen Islii, namey siin warqadaheena aqoonsiga. Waxay ii sheegeen inaan ku noqdo maalinta xigta Kasarani, balse markan ku noqday waxay igu yidhaahdeen mar kale soo laabo” ayuu yidhi Maxamed oo Amnest la hadlay, waxaanu intaasi raaciyey “Xalay ma seexan cabsi darteed. Ma haysto aqoonsi, Haddii la I xidho ma haysto wax aan tuso askarta”
Dhanka kale, Dowladda Kenya waxa ay qaaday howlgal ballaadhan oo ay ugu magac dartay Rudisha Usalama (“nabadda soo celi”). Tani iyo 2-bii bishan April, in ka badan 4,000 oo qof ayaa laga soo qabtay dalka oo dhan, dadkaasi waxay u badan yihiin Soomaali.”Xadhigga noocaan oo kale ah waa midab kala sooc iyo wax aan suura gal ahayn. Bulshooyiinka oo la kala sooco maahan wado wanaagsan oo amniga lagu soo celiyo,” ayey tidhi Michelle Kagari, oo ka mid ah saraakiisha Hay’adda Amnesty.
Baacsiga dowladda ay ku haysto qaxoontiga, ayaa sare u kacay markii Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Ole Lenku, uu sheegay 26-kii bishii March, in qaxoontiga oo dhan ay ku noqdaan xeryaha ku yaal Waqooyiga Kenya ee Dhadhaab.
Go’aan kaas la mid ah oo uu soo saaray Wasiirka bishii December ee sannadkii 2012 kii, Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diiday bishii July ee 2013-kii. Maxkamadda, ayaa sheegtay dib-u-celinta qaxoontiga ay carqalad ku tahay sharafta iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, isla markaana ay keeneyso in si dadban loogu qasbo inay Soomaaliya ku noqdaan qaxoontigu.
Maxkamadda, ayaa sidoo kale tilmaamtay in dowladda ayna caddeynin in tallaabada dib u celinta ay amniga soo celin karto iyo in kale. “Howlgalka hadda, wuxuu carqalad ku yahay go’aankii maxkamadda si sharci ahna looma fulin.” ayey tidhi Amnsety international. Ibrahim, oo ka mid ah odayaasha Islii ayaa Amnesty u sheegay: “Sida loola dhaqmayo dadka qaxootiga ah inay tahay in lagu qasbo inay Somaliya ku laabtaan.”
Amnesty international oo ka hadashay dadkii dib loogu celiyay Somaliya iyo kuwa la celin doono, ayaa sheegtay in; “Dad qasab loogu celiyo goobo ay halis tahay nolosha iyo xoriyadda inay dhibaato ku tahay xeerka caalamiga ah ee Qaxootiga, oo Kenya looga baahan yahay inay tixgeliso.” Sidaa ayaa lagu sheegay Warbixinta ay Amnesty soo saartay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment