Sunday, April 13, 2014

Soomaali mudaharaad ka dhigay London iyo dhaleecayn xisbiyada Kenya soo saareen




London 13 April, 2014 (Himilo)- Boqolaal Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ka hor-dhigay safaaradda Kenya ku leedahay magaalada London ee Ingiriiska.
Xisbiga Raysal wasaarahii hore Kenya, Odinga ee ODM ayaa nasiibdaro ku tilmaamay qabqabashada xukuumada ay hogaamiyaan Uhuru iyo ku-xigeenkiisu Ruto ku hayaan Soomaalida degan Nayroobi.


War saxaafadeed xisbiga Orange soo saaray ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan xeryaha loo sameeyey in lagu hayo Soomaalida, kuna tilmaamay talaabo dhiirigelin u noqonaysa Shabaab.


Xildhibaan baarlamaanka Kenya ka tirsan lana yidhaahdo Dr. James Nyikal, ayaa sheegay in Shabaab u eegan jirtay fursad ay ku tuuraan bamboo, laakiin xukuumada Kenya wakhtigan siisay fursad markii ay xeryo ku xidhay Soomaalida maxkamad la’aan.


"Al-Shabaab waxay eegan jireen fursad ay dhiig badan ku daadiyaan Kenya, balse xukuumada ay hogaamiyaan Uhuru/ Ruto ayaa siisay fursad. Waxay soo qaadi doonaan weeraro adag, iyagoo ugu soo gabanaya inay u aargudaan Soomaalida lagu xereeyey Kasarani", ayuu yidhi Nyikal.


Bishan April bilowgeedii ayey ciidamada booliiska Kenya bilaabeen xidhitaanka dadka aan haysan waraaqaha aqoonsiga xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh, ka dib markii bamboo ka qaraxday ku dhinteen lix qof dhamaadkii bishii hore.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment