Sunday, April 13, 2014

Wakaaladda Korontada Hargeysa oo dalka Jabuuti looga Keenay laba Mishiin oo duug ah




Hargeysa, 13 April, 2014 (Himilo)- Wakaaladda Korontada Hargeysa  oo muddo u dansanayd cillad soo Food-saartay Mishiinnada korontada dhalinayey, ayaa shalay Keensatay Laba Mishiin oo waaweyn oo laga Keenay dalka Djibouti.


Keenista mishiinnadan ayaa ka dambaysay kadib markii  la Xaqiijiyey inay hawl-gabeen isla markaana aanay shaqaynayn Mishiinadii hore loogu shaqayn jiray oo gebi ahaantood fadhiistay, sida ay todobaadkii hore shaaciyeen Injineerrada ka hawl-gala Warshadda Korontada Hargeysa.


Labada Mishiin ee Wakaaladda Korontadu keensatay, ayaa shalay  la arkayey iyada oo lagu dejimyo xarunta wershadda Korontada, waxaana lagu siday laba baabuur oo watay Taarikada dalka Jabuuti.


wakaaladda-korontada-dawlada-hargeysaMishiinnada wakaaladda Korontadu keensatay, ayaa la sheegay inay yihiin qaar hore loo soo isticmaalay, balse qaban kara hawshii ay hayeen mishiinnadii hore oo qaarkood sidan oo kale iyaga oo mustacmal ah looga keenay dalka Jabuuti, haseyeeshee lama garan karo muddada ay sii shaqayn doonaan mishiinada cusubee wakaaladdu shalay keensatay.


Mishiinadan oo isla shalayba rakibaaddooda la bilaabay, ayaa lagu wadaa inay soo celiyaan hab-sami-u-socodkii Korontadii Wershada Laydhka ee Hargeysa oo muddo laba toddobaad ku dhaw haatan maqan.


Inkasta oo dadkii ku xidhnaa Hay’adda Korontada Hargeysa intoodii badnayd ay ku biireen  shirkadaha gaarka loo leeyahay, haddana wali waxa jira Dadweyne tiro badan iyo dhammaan xafiisyada dawladda oo ka dhursugaya inay dib u helaan korontadadii ay isticmaali jireen.


Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta oo uu Wasiirku ugu Horreeyo, ayaa laga Sugayaa inay faahfaahin ka nixiyaan Noocyada Mishiinadan iyo Awoodda ay u leeyihiin inay qabtaan Shaqada looga Fadhiyo xilliga la dhamaystiro Rakibaadooda ee Shacabkii ku xidhnaa ay Koronto Helaan.


Shacabka Caasimadda ayaa iyagu baahi badan u qaba inay dib loo helaan Korontadii ay dawladdu Gacanta ku haysay maamulkeeda oo iyadu ka qiimo-jaban lacagta ay qaadaan shirkadaha gaarka loo leeyahay oo magaalada Hargeysa badankeeda korontada u shida, in kasta oo korontada ay dawladdu bixiso ka yartahay tirada saacadaha ay adeegga korontada bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.


Himilomedia.com                                             


Hargeysa-Somaliland 

No comments:

Post a Comment