Sunday, April 13, 2014

Jarmalka oo ku biiray waddamada sida tooska ah Taageerada Dhaqaale u siiya Somaliland




Canberra 13 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in Jarmalku noqon doono dalkii afaraad ee dhaqaale toos ah siiya Somaliland, kuna soo biiri doono Ingiriiska, Denmark iyo Norway.


Dr. Sacad Cali ShireDr. Sacad Cali Shire waxa uu sidan ku sheegay hadal uu ka jeediyey Xarunta Machadka Siyaasada Caalamka ee dalka Australia oo uu dhawaan ka soo laabtay socdaal uu dalkaas ku tagay.


Wasiirka oo ka jawaabayey su’aalo laga weydiinayey xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida kale iyo taageerooyinka dhaqaale ee ay ka helaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka, ayaa soo jeediyey in laga caawiyo doorashooyinka ku soo waajahan dalkiisa, oo dhidibada u sii adkaynaya nidaamkooda dimoqraadiyadda.


Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, ayaa shaqo la’aan haysata da’yarta dalka ku tilmaamay dhibaatada kaliya ee xukuumadda uu ka tirsan yahay haysata. “Caqabadaha noogu adag waxa ka mid ah shaqo-abuurka da’yarta dhamaysata waxbarashada, maadama aanan xidhiidh la yeelan karin hay’adaha lacagaha amaahda bixiya, ictiraaf la’aan, inkastoo aanu ku guulaysanay in sanduuq horumarka Somaliland aan samayno oo deeqo toos ah wadamo Ingiriiska iyo Denmark ku soo shubeen, imikana dalka Norway ku soo biiray, wakhti dhowna dalka Jarmalku ku soo biiri doono wadamada dhaqaalaha tooska u siiya Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku oo ka jawabayey su’aal laga weydiiyey caqabadaha haysta xukuumaddiisa.


Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire oo ka jawaabayey dhinacyada taageero dalka Australia uga fidin karo Somaliland, ayaa sheegay, “Waxaan ka codsanaynaa inay kordhiyaan taageerada ay na siiyaan, qeybna ka noqdaan waddamada dhaqaalaha tooska ugu soo shuba sanduuqa horumarinta Somaliland, isla markaana naga taageeraan doorashooyinka soo socda sannadka dambe ee madaxtooyada iyo wakiillada oo ah hawl dhaqaale badan ku baxayo, muhiimna u ah sii adkaynaya nidaamka dimoqraadiyada iyo xasiloonida aanu haysano,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment