Sunday, April 13, 2014

Qodobbada lagaga wada-hadlay Shir Xasaasi ah oo ay Isku-hor fadhiisteen Dawladaha Itoobiya iyo Somaliland




Wejiga 5aad  ee Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya oo Diyaar-garowgiisa lagu jiro






“Waxa uu ku saabsanaa falkii foosha-xumaa ee lagu sameeyey dublamaasiyiinta Itoobiya ee innoo yimi, oo aannu cudur-daar weyn ka bixinnay iyo…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland: Waraysi Gaar Ah






Hargeysa, 13 April, 2014-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Somaliland raalli-gelin ka bixisay fal dhawaan dawladda Itoobiya uga soo ashkatootay Madaxtooyada, ka dib markii ay xubno ka mid ah Maamulka gobolka Gabiley tacaddi u geysteen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Itooya oo ku safrayey gudaha Somaliland.


wasiirkaWasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi oo Waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyey Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay in tallaabo adag laga qaaday xubno lagu eedeeyey inay lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen tacaddiga ay ka cawdeen Saraakiisha Sirdoonka Itoobiya, isla markaana ku qancay Safiirka Itoobiya u jooga Caasimadda Hargeysa cudur-daarkooda, una gudbin doono Xukuumaddiisa.


Wareysi wargeyska Himilo kula yeeshay khadka telefoonka xalay ayaa ugu horeyn lagu weydiiyey kulan xafiiskiisa isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade kula yeesheen Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen Berhe Tesfaye iyo waxa uu ku saabsanaa, ayuu ku jawaabay; “Waxa uu ku saabsanaa falkii foosha-xumaa ee lagu sameeyey dublamaasiyiinta Itoobiya ee innoo yimi, oo aannu cudur-daar weyn ka bixinnay, una sheegnay sidaannu uga xun-nahay, kana qaadnay tal;aabo adag aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudahu.”


Mar la weydiiyey in cudur-daarka Xukuumadda Somaliland ka bixisay falkaa loo geystay dublamaasiyiinta Itoobiya uu ku qancay safiirkoodu Mr. Tesfaye, ayuu ku jawaabay; “Wuu ku qancay, waanan u sheegnay inuu dawladdiisa gaadhsiiyo, sida Xukuumadda Somaliland dhammaanteen illaa Madaxweynahu uga xun-yihiin waxa lagu sameeyey (Saraakiishaas). Waa dad aan walaalo nahay, dal aan jaar nahay, oo ka mid ah dalalka waaweyn ee cilaaqaadka aannu wadaagno. Horena waraaqo ayaannu ugu dirnay aannu raalli-gelin ku bixinayno.”


Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen Tesfaye oo socdaal gelinkii dambe ee shalay ugu baxay Addis Ababa, ayaa Wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey in socdaalkiisu la xidhiidho raallin-gelinta Somaliland inuu gaadhsiiyo Xukuumaddiisa, waxa uu ku jawaabay; “Maya, arrimo kale ayuu u baxay, oo hore-ba wuu u socdaalayey Addis Ababa, arrinka raalli-gelintana, dabcan wuu gaadhsiin doonaa Xukuumaddooda.”


Mar la weydiiyey wada xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya wareegii loo ballansanaa xilliga uu dhacayo, ayuu ku jawaabay, “Imika ayaan wadnaa qabanqaabadiisa, maalmo ka dibna war cad ayaan ka soo saari doonaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.






Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


                                                



 

No comments:

Post a Comment