Monday, April 14, 2014

Xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland oo ku dhaliilay xukuumadda qaabkii ay u wajahday ardaydii jaamicada hargeysa ee shalay mudaharaaday




Hargeysa (Himilo) Masuuliyiin ka kala tirsan axsaabta mucaaridka ah ee Ucid iyo Wadan oo warbaahinta ugu kala waramay xarumahooda magaalada hargeysa ayaa si weyn ugu dhaliilay xukuumadda falkii ay shalay kula kacday ardaydii jaamicada hargeysa ee ka mudaharaaday lacag lagu kordhiyey.


Xoghayaha waxbarashada xisbiga Waddani Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhaga-yare) oo shirjaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga waddani ee magaalada hargeysa, ayaa si weyn u cambaareeyey rasaastii noolayd ee loo adeegsaday ardayda.


Xoghayuhu isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:- “ waxaanu cambaaraynaa falka foosha xun ee lagula kacay ardayda jaamicada hargeysa ee xukuumadda madaxweyne Silaanyo rasaasta nool la dhacday aad iyo aad ayaanu uga xunahay, ardayda dastuurka ayaa u damaanad qaaday inay tabashadooda soo bandhigaan, wixii ay diidayaan iyo wixii ay doonayaanba, balse waa xaaraan in loo adeegsado rasaas nool sidii cadow shisheeye ah”.


Dhinaca kalena xoghayaha xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf  (Kabtanka) oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id oo lagu qabtay xarunta xisbiga Ucid ayaa ka waramay falkii lagula kacay  ardayda jaamacada Hargeysa ee  ka mudaharaaday lacagtii lagu kordhiyey waxaanu yidhi:- “Waxaanu halkan canbaaraynaynaa falkii shalay ku dhacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ardayda lagu sigay laguna khatar galiyey, illaahay ayaana mahad leh haddii aanay arday halkaas ku dhiman, waayo rasaas ayaa lala dhacay waxaan  loo adeegsaday ciidan tababaran, waxaad moodaa in dawladda wakhtigan dalka ka talisaa aanay naxariisba u lahayn ardayda iyo dadka shacabka ahba, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa xadhiga ardayda loo gaystay, waxaananu leenahay waa in xoriyadooda loo soo celiyaa.”

Himilomedia.com     


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment