Sunday, April 13, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo xalay Shacabka kala qaxweeyey mid ka mida Hudheellada Hargeysa isagoon ilaalo wadan




Hargeysa, 13 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay mar qudha lagu dhex-arkay isaga oo dhex-maraya Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, isla markaana aan wadan wax ilaalo hubaysan ah, halkaas oo uu ku tegay lug uu kaga baxay Madaxtooyada.


Madaxwaynaha-JSL-1Madaxweynaha ayay dadweynaha Huteelkaas ku sugnaa cawayskii xalay waxay ku war-heleen isaga oo lugaynaya oo irridda Huteelka ka soo galay, isaga oo aanay hor socon, isla markaana daba-socon ilaalada hubaysan ee inta badan lagu arko hortiisa iyo hareerihiisa marka uu Qasriga Madaxtooyada ka baxo. Madaxweynaha ayaa hal-hal u salaamay dadkii halkaas ku sugnaa oo intooda badani markay arkeen ama ku war-heleen in Madaxweynuhu u soo galay salaan ula istaageen.


Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si caadi ah uga mid noqday dadkii Hudheelka fadhiyey, isla markaana ku shaaheeyey intii uu ku sugnaa halkaas, iyaga oo dadku goobta uu fadhiyey ugu imanayey markii dambe Madaxweynaha si ay u salaamaan. Waxaanu halkaas qaddar markii uu fadhiyey uga soo baxay si caadi ah.


Maaha markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo sidan oo kale loogu war-helo isaga oo dadka dhex-socda oo aan wadan ciidan ilaalo ah, hase-yeeshee, dhawr jeer oo kala duwan, ayaa wakhti habeennimo ah lagu arkay isaga oo dadweynaha dhex-maraya, isla markaana Meherado kala duwan mid-mid u galaya oo uu baayacay alaabooyinkii yaallay oo ay dadkuna ku nexeen markii ay arkeen Madaxweynohooda oo dhex socda isaga oo aan Ciidan ilaalinaya oo hubaysan wadannin.


Himilomedia.com                                             


Hargeysa-Somaliland


           

No comments:

Post a Comment