Dr. Macaw oo Jigjiga looga baaqay inuu ka hawlgalo, iyo Mukhallasiintiisii oo dadweynaha Lacagta u celinaya
Hargeysa, 01 April, 2014 (Himilo)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa cambaareeyey sida ay Xukuumadda Somaliland ula dhaqantay Muwaaddiniinta reer Somaliland ee gobollada dalka uga yimi inay Hargeysa kula kulmaan Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways, kaasoo ay sheegeen go’aanka ay Xukuumaddu ugu diidday inuu Hargeysa ka fuliyo hawl-gal caafimaad oo uu u yimi inay Ceeb ku tahay guud ahaanba Qaranka.
Xoghayaha dib-u-dejinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Jaamac Hillaac iyo Xasan Xuseen Cod-yare oo ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI, ayaa Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xarunta Xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, ku sheegay inay aad uga xun yihiin tacaddi ay sheegeen inay Xukuumadda Somaliland kula kacday Dhakhtarka Soomaaliyeed ee marka hore ay Wasaaradda Caafimaadku oggolaanshaha siisay iyo Muwaaddiniinta Hargeysa u yimi iyo kuwa ku dhaqan ee xaaladdooda Caafimaad doonayey in la kaashadaan Dr. Macaw.
Xoghayaha dib-u-dejinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Jaamac Hillaac oo shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Dhakhtar Macaw marka laga hadlayo waxa uu ku yimi Baahi shacbiga Somaliland ka timi, waxaanaynu la soconnay muddo in laga xayaysiinayey Telefeshinnada iyo Warbaahinta Somaliland. Dr. Macaw waxa uu dalka ku soo galay sife Sharci ah oo fiise ah, markuu dalka yimina Wasiirka Caafimaadka oo Qaranka Masuul uga ah Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xagla-toosiye waxa uu siiyey Warqaddaas (Warqadda oggolaanshaha oo ay soo bandhigeen), waa nasiib-darro. Markaa anigu waxaan odhan lahaa Madaxweynaha haddaanu Wasiir Xaglo-toosiye Wasiirka Caafimaadka kuu ahayn dee caddee oo waxaad tidhaahdaa Wasiir iima aha. Wasiirkana waxaan u soo jeedinayaa mar haddii hawshiisu socon wayday oo Wasaaradda aanu u madax-bannaanayn inuu is-casilo, kaasi waaqodob.”
Waxaanu Jaamac Hillaac oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Qodobka labaad: Waxaan Tacsi u dirayaa dadka Muwaaddiniinta ah ee shacbiga reer Somaliland ee baahida caafimaad haysay ee Dr. Macaw u yimi ee Xukuumaddii Somaliland ee ay soo doorteen ay iska hor-taagtay inay helaan adeeggii caafimaad ee Dhakhtarku u fidin lahaa. Jaaniskaana waxaad ku weydeen markaan runta idiin sheego aannu dillaalno Dr. Macaw iyo dillaali maysaane annagaa dillaalayna. Anigaa wakiil u noqonaya iyo anigaa wakiil u noqonaya waana nasiib-darro wayn, waana arrin ku timi, maamulkan aan dawladnimada aqoon ee maanta dalka gacanta ku haya.”
“Ta Saddexaad: Waxaan Madaxweynaha Somaliland u sheegayaa Wasaaradda Caafimaadka oo keliya maaha ee dalkan oo dhami wuxuu galay fawdo maamul, dalkanna Madaxweyne adigaa ka masuul ah, hadduu xumaadana adigaa Masuuliyadda qaadi doono, hadduu wanaagsanaadana adigaa masuuliyadda yeelan doona, waxaanse kuu sheegayaa in dalku ku jiro fawdo maamul, loona baahan yahay inaad bedbaadiso.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha dib-u-dejinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Jaamac Hillaac.
Sidoo kale, Xasan Xuseen Cod-yare oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa isaguna shirkaa Jaraa’id ee ay qabteen ka hadlay, ayaa ku tilmaamay in Dr. Cali Macaw Aways ay Xukuumadda Somaliland kula kacday tacaddi qaawan, sidoo kalena ay meel kaga dhacday xuquuqda Muwaaddiniinta doonayay inay Dhakhtarka ka faa’iidaystaan. “Waxa aad iyo aad loogu xad-gudbay Xuquuqdii Muwaaddiniinta iyo Xuquuqdii Bina-aadaminnimada ee Dr. Cali Macaw oo muddo laba bilood ah laga naadinayey TV-yada oo ku baaqayay inuu Hargeysa iman doono oo Bukaanka u iman doono, dadkii reer Somaliland gobol ay joogaan-ba waxay ku soo urureen magaalo-madaxda Hargeysa, wuu yimi, dawladduna way soo dhawaysay.”
“Dhakhtarkuna waajibkiisii wuu ka soo baxay oo waxay ahayd inuu 27-kii bishii March shaqada bilaabo, waanu bilaabay, maalintii u horreysay markii uu shaqadii bilaabay ayaa laga joojiyey shaqadii oo ciidan fara badan la keenay goobtii uu dadka ku dawaynayay, dabeedna waxaaba loo taxaabay meel baa lagu xidhay. Arrinkaasi wuxu noqday arrin aad iyo aad looga argagaxo, dawlad badhna oggolaanayo badhna xidhayo tan ka hor lama arag.” Sidaa ayuu yidhi Cod-yare.
Waxa uu Xasan Xuseen sheegay inaanay habboonayn in Xukuumaddu ku tomato xuquuqda muwaaddiniinta ay masuulka ka tahay iyo xuquuqda Aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaanu yidhi; “Xuquuqdii Muwaaddiniinta meel-baa lagaga dhacay, dadka gobollada fogfog ka yimi ee doonayey in Dhakhtarku eego ee Huteellada buux-dhaafiyey ee maanta magaalada ku caddilan, arrintaas Xisbiga Waddani aad iyo aad buu uga xun yahay una cambaaraynayaa, waayo ummadda dawladda xil baa ka saaran, may ahayn inay muwaaddiniinta ku xad-gudubto. Sidoo kale may ahayn inay ku xad-gudubto, Ninka Soomaaliga ah ee Aqoonyahanka ah ee dal fog uga yimi ee muddaba la maqlayey ee lahaa waxaan tegayaa Hargeysa, waxaan doonayaa inaan wax u qabdo ummaddaas in lagu xad-gudbo may ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Xuseen Cod-yare.
Geesta kale, Itisaar Maxamed Cali Qoys iyo Siciid Axmed Xaaji Qulunbe oo Wakiil u ahaa Dr. Cali Macaw Aways, oo iyaguna shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay dadkii isu-diiwaangeliyey inay Dhakhtarka la kulmaan ee lacagta laga hayay inay lacagtoodii u celin doonaan maanta ahaan, isla markaana Dhakhtarku uu tegi doono magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo looga yeedhay, markii ay dawladdaasi hab qabiil u aragtay in Dr. Macaw loogu diiday shaqada caafimaad ee uu u yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment