
Ciidamada Booliska oo ay weheliyaan baabuurta gaashaan ee Ciidamada Ammaanka, ayaa rasaas ku furay si ay u kala dareeriyaan ardayda, waxaana markii dambe ay ciidamada gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah ardaydii bannaan-baxaysay oo laysugu soo ururiyey xarunta Hay’adda Korontada ee Hargeysa.
Illaa Afartameeyo arday ayaa lagu qabt-qabtay mudaraadka, kuwaas oo markii dambe loo dhaadhiyey saldhigyada booliska ee magaalada Hargeysa oo ay ku xidhan yihiin.
Ardayda mudaharaadka samaynaysay oo ah ardayda Jaamacadda Hargeysa dhiganaysa sannadkii labaad,ayaa cabashadoodu la xidhiidhaa korodh lagu sameeyey fee-ga laga qaado halka Semestar oo markii hore laga qaadi jiray 153, balse immika laga dhigay 200 oo Dollar, iyada oo lagu kordhiyey 47 Dollar, taasina ay keentay inay mudaharaad cabasho ah ay saaka sameeyey, taas oo noqonaysa markii labaad muddo dhowr bilood gudahood ah oo ay sidan oo kale bannaan-baxa cabashada ah u sameeyaan.
Tirada Ardaydan la xidhay ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee arday tiradaas le’eg mar kaliya xabsiga loo taxaabo.
HIMILO
No comments:
Post a Comment