Bujumbura July 21, 2015(Himilo)-Dawlada maraykanka ayaa walaac ka muujiyay doorashada ka bilaabantay dalka Burundi oo inta badan mucaaridku ay kasoo horjeesteen.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kirby, oo ka hadlay doorashada ka socoto dalka Burundi ayaa ku tilmaamay doorashada in ay tahay mid uga sii daraysa sumcada liidato ee xukuumadda Burundi.
Doorashadan oo ay qaadaceen dhowr ka mid ah murashaxiinta mucaaradka, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dad aan sidaa u badnayn ay u soo baxeen dhiibashada codkooda.
Balse kuwa kale oo ka mid ah codbixiyayaasha ayaa codkooda kaga dhiibana safaf dhaadheer tuulada uu kasoo jeedo madaxweyne Nkurunziza ee Buye.
Madaxweynaha oo joogay goob uu codka ka dhiibanayo ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay maalin wayn u tahay dimuqraadiyada Burundi.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment