Tuesday, July 21, 2015

“Shirkaasi wuu Qabsoomayaa Haday Xukuumadu Jeceshahay iyo Haday Necebtahayba”Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Muj Xasan Guure Jaamac

 

Hargeysa July 21, 2015 (Himilo)-Gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure ayaa sheegay inuu qabsoomayo shir ay ku dhawaaqeen isbahaysiga mucaaridka somaliland.
Mujaahid Xasan Guure waxaa uu si adag uga hadlay hadii xukuumadu ay damacdo in ay hor istaagto shirkaasi inaan loo joojin doonin oo shirkaasi la qaban doono “Shirkaasi wuu qabsoomayaa haday xukuumadu jeceshahay iyo haday necebtahayba, Haday cuduudi timaadana Maxamed Siyaad Bare tiisiibaa socon wayday,mid kale oo soconaysaana ma jirto, cida taas qabtaana candhuufta dib ha u liqdo”Ayuu Yidhi Xasan Guure
Sidoo kale Xasan Guure Waxaa uu sheegay talooyinkii iyo dhambaalada ay madaxwaynaha iyo guurtida u direen in ay ahayeen lexejeclo ay dalka iyo dadka Somaliland ka qabaan“Waxaana haysay lexejeclo, Wadanka lexejeclo badani naga haysaa, dadkay lexejeclo badani naga haysaa, Anagu dalkaanu leenahay, Umaanaan iman inaanu ka shaqaysano, inaanu kursi ku haysano umanaan iman, Waxaanu Soconaa waa dimuqraadiyad iyo cadaalad”Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.
Gudoomiye Xasan Guure Waxaa uu sheegay in mudo xileedkii madaxwaynaha la siiyay uu dhamaatay wakhti dambe oo uu kusii joogana aan la siin doonin “Wakhtiga la doortay madaxwaynuhu wuu dhamaaday, markii hore waxaan islahayn malaha berito ayuu qabanayaa ee yara daaya, waxaanu gaadhnay wakhti ay dhamaatay mudadii aynu isku ogayn, Horena waxaan u yidhi 27july haday gaadho aniga iyo Axmed (Siilaanyo) Kurisga makala xigno,Haday gaadhana wakhtigii la doortay maaha”Ayuu Yihdi Gudoomiyah Madasha Xasan Guure.

 

Isbahaysiga mucaaridka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay shir talo qaran oo xukuumadu hore uga digtay.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment