Tuesday, July 21, 2015

Nukliyeerka Iiraan “Heshiis Dhamaaday Haddana Bilaw Ah”-W/Q Axmed Cali Kaahin Ahmedckahin@gmail.com

Dhawaan lixda quwadood iyo Iiraan waxay soo afmeereen heshiis xaddidayada barnaamijkeeda una quusgoynaya himiladdeeda hiigsi ee gacan ku dhigida hubka wax gumaada taasi oo cabsida ay ka qabaan reer galbeedkuna meesha ka saaraysa, badalkeedana ku helayso in laga fujiyo cunaqabataynta wiiqday dhaqaalaheeda iyo hurumarka ummada reer Eeraan, in ka badan tobban sanadood oo ay go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku jireen. Heshiiskan oo ay bud dhig u ahaayeen wasiirada arrimaha dibada ee giraanta wada haddalada oo ka kooban, (Maraykanka,Ingiriiska,Fansiiska,Jarmalka,Raashiya, iyo Shiinaha iyo Eeraan) laguna soo gabagabeeyay Veana in lagu af-qabto fidida hubkan halista ah soona socday si xidhiidh oo balaadhan muddo 23 bilood ee u dambeeyay marba meel ay diblamaasiyadu caga dhigataba.
Heshiiskani waxa uu furayaa baal cusub oo u dhexeeyay Nabad iyo Colaad dhexdooda oo ay ku xoogroonaatay ama guulaysatay nabada oo loo maray habka diblamaasiyada dagan, halka uu xidhayo baal kale oo xajiimooyin iyo xangaruufo badnaa. iyadoo heshiiska ay aad ugu riyaaqeen dadka reer Eeraan si wayna ugu hanwayn yihiin hirgalintiisa, uuna badhi taageeri doonaa dhaqaalaha dhutinaya ee dalkooda una furaya filashooyin wacan oo mustaqbal gaar ahaan bulshada iyo siyaasiyiintaba si ay ugu qayb galaan si caalamiya doodaha muhiimka ah iyo kulamo waaweyn ee heer caalami oo wax badan u sahli doonta. Iiraan waxay diiday inay la gasho Maraykanka wax wadda xaajooda marka laga reebo hubka nunkliyeerka, laakiin maalmihii u dambeeyay Iiraan ayaa codsatay in laga qaado cuna qabataynta hubka iyadoo ay dabada ka riixayaan Raashiya iyo Shiinaha.
Heshiiskan awgii Iiraaniyiintu waxay seexan doonaan hurdo caafimaad iyo rajo daganaansho iyadoo go’aanka Golaha Amaanku uu ka dhigi doono in noloshu si yar oo fudud u socoto, taasi oo meesha ka saaraysa iska hor imaad ciidan oo dhawaanta qarankooda loogu hanjabo. Maalin dhawayd waxa uu sheegay Sheekha ugu sareeya Diinta Khamanay in wada xaajoodayaashu kaliya ay ku kooban yihiin dooda nukliyeerka oo kaliya, wax kalena aanay ka hadli Karin, halka uu Marayknaku quudaraynayo in hoos loogu gondo dago arrimahha Yemen iyo Suuriya oo ay ku leedahay raaddayn xeeldheer.
Hadda heshiisku waa jaanis fiican haddii uu Golaha odayaasha Maraykanaku taageero muddo 60cisho ah guddahood marka la hordhigo, laakiin muddo l0 cisho guddahood ama la mida waxay Iiraan rajaynaysaa in ay hordhigto Golaha Amaanka ee Qarramada midoobay go’aanka heshiiskan si looga qaado dhamaan cunnaqabataynta la xidhiidha mashruuca nukliyeerka.
Wasiirka khaarajiga ee Iiraan Mohammed Javad Zarif oo qayb ka ahaa xabbad joojintiii 1987 ee Ciraaq iyo Iiraan dagaalkoodii maantana waa markii labaad ee uu gacanta ku hayo arrin iyana taariikh muhiima u leh dalkiisa. Waxaanu xusay eray gunaanadkiisii “in ay tahay guul labba dhinac ah balse wax kastaa mawada qumana”, si kastaba ha ahaatee hirgalinta heshiiska Venie waa in la saxeexaa wakhti ka mida bisha Semptemper, waa marka Golaha Odayaasha maraykan siiyaan ansixinta u dambaysa, balse Madaxwayne Obama waxa uu awood u leeyahay in uu ku hirgaliyo heshiiska Digreeto madaxwayne, taasi oo ay Odayaasha Maraykan ku diidi karaan 3/2 saddex meelood oo laba waana arrin mustaxiila in ay dhacdo inta badan. waxa la filaya in dhamaan dhinacyadu ay New York kuwada saxeexaan heshiiska shirwaynaha guud ee Qaramada midoobay iyagoo wadda jira, dhinacna la iskaga leexinayo wixii hore ay jirtona jawi wadajirmino iyo fursad tilmaamaysa dhacdo taariikhi ah.
Iyadoo lagu guulaystay dhinaca reer Galbeedka in Iiraan ay dhufaani doonta in badan oo ka mida agabkeeda khuseeya Nukhliyeerka si farsamo ahaaaneed, uuna ka dumi doono dhinacooda gidaarka adag ee Cunnaqabataynta. Sida uu ku tiraabay Madaxwaynaha Maraykanku (heshiisku waxa uu ahaa fursada kaliya ee jirta in Iiraan lagaga horjoogsado helida Unuga wax baabiiya) isna dhinaciisa waxa uu xusay Madaxwaynaha Iiraan Xasan Rohani (waa waji cusub ayaa u bilaabmaya xidhiidhka Iiraan iyo Dunida kale) Fedrica Mogherini uqaabilsanaha siyaasada arrimaha dibada midawga Yurub waxay tidhi “ waa baal cusub oo diblamaasiyaduna iyadaa guulaysatay 10 sannadood oo ismariwaa iyo xiisad colaadeeda waana calaamad rajo guud ahaan duinda
halka uu isna Daryl-Kimbaall oo ka mida ka dadka ka shaqeeya xakamaynta Nukliyeerku (waa mid ka mida heshiisyada ugu cufan ee jiritaanka hubka Nukliyeerka laga gaadho taariikhda) heshiiskani waxa uu ka dambeeyay laba sannadood oo wadaxaajoodyo adag oo xidhiidha socdayna tobbanaan sannadood oo ku dhamaaday bilawyo beena iyo marin habaabin rajooyin ah, Guusha heshiisku waxay ku tiirsan tahay rajada taageerida labada dhinac iyo hirgalinta daacadnimadooda oo sal u ah. Waana in Iiraan aanay heshiiskan u isticmaalin laba kacalayn balaadhinta mashruuceeda, Maraykankuna waa in aanu ka dhigan Aalad uu u adeegsado wiiqida Iiraan, haddii aan qalad la samayn taayirku wuu soconayaa rajada mustaqbalka 23 biloodna waxay ahaayeen tijaabo la filayo in wax badan yimaadaan.
Muhiimada heshiisku waxa uu kaliya firfircooni siinayaa iyo qiimayn xaalada kasii darraysa ee gobolka, waxa kale oo uu kalsooni siinayaa Iiraan halka uu kasoo jiidayo Maraykanka siina fogaynayo Yuhuuda, waxaanu shakhi ku beerayaa khaliijka halka uu ruxayo suuqyada Tamarta dunida waxaanu guud ahaan gilgilayaa amaanka gobolka isagoo qarxinaya ku tartanka Hubka, waxa kale oo uu qaabaynayaa istaraatajiyada is xulafaysiga iyo mawqifyada Maraykanka, waana hababka isbadal ee qorshe siyaasadeed sawir hummaaga barriga dhexe siduu u eekaanayo.
Arrinta soo jiidashada leh waa labada dhinac iyo Qaramada Midoobay in ay awoodeen heshiis midaysan gaadhaan iyagoo wada jira si kastoo ay u jirto kala duwanaansho badan oo aad u kala fog oo siyaasadeed. Waxaana jira in awoodaha gobolku u arkaan in wax wayni isbadalay ciyaartuna gaar ahaan xulufada Maraykanku ee Riyaad iyo Abudabay iyo Qaahira iyagoo ka warwersan dhexdhexaadnimada Maraykana isagoo hore Ciraaq ugu gacan galiya Iiraan iyo isagoo ka caga jiidaya in talaabo laga qaado Asadka Suuriya maantana ay ku sii biirtay in Iiraan iyo Maraynkanku miiska wada xaajoodka wada fadhiistaan ugu dambayna heshiis la gaadho. Sheekada ugu muhiimsan waa aragtida ah gobolka dhexdiisa Eelkii in uu hoosta ka holcayo uuna jiro dagaal dadban oo ka dhexeeya Iiraan iyo Khaliijka iyo xulufadeeda, waayo hadda waxa ka socda Yemen iyo Suuriya oo aad u sii xoogaysanayaa waana suurtagal in Lubnaan iyo Ciraaqna ku sii xigto dagaalada ku qotoma Madaahibta, waxa jira cabsi in ay isku dhacaan Yuhuuda iyo Iiraan, Xisbulaah iyo Dawlada Lubnaan uuna ku fido gobolka intiisa kale iyadoo khatarta ISIS ay iyana dabka gaasta ku sii shidayso.
Haddii uu qarxo Dagaalka ku dhisan Madaahibtu aad bay ugu adkaanaysaa reer galbeedka in ay gacanta lasoo galaan xaqiiqaduna way isku qasan tahay isbadalka ku dhacay khariirada siyaasadeed iyadoo ay gacan siinayso daloolka uu keenay Madaxdii xukunka laga tuuray ee aan dadkii waxba loogu badalin sida Liibiya iyo isbadaladii dabayshii carbeed ee kacaankii. dhanka kale waxa iyana meesha joogta Yuhuuda oo ah maddiga kaliya ee haysta hubka wax gumaada guud ahaan gobolka, waxaanay buunbuunisaa barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan si galbeedka ugu dhaadhiciso in talaabo millatari laga qaado heshiiskanina waxa uu ku yahay niyad jab, sanado badan oo la sheegayay in Iiraan khatar ku tahay jiritaanka xulufo muhiima oo maraykanku leeyahay, waxa si kadisa meel dhinaca uga daawanaysaa yuhuudu, Maraykankii ay saaxiibka ahaayeen iyo Cadawgeedii Iiran oo Gaadhay Heshiis taariikhiya miiska diblamaasiyadana ku caawinaya,
si kasta ha u jirto diidmada adag ee Raiisal wasaaraha Yuhuudu, taasi oo keentay in uu si qalafsan oo guracan oo guud ahaan khalkhal galisa Guriga Cad ee Maraykanka uu sida safar aanu fasax ka haysan Guriga Cad uu ku tago Maraykanka khudbadna u jeediyo Baarlamaanka Maraykan taasi oo ahayd dhacdo ugub ku ah habdhaqanka siyaasadeed ee ka dhexeeya labadan Dal. ” halka uu Raiisal wasaaraha Yuhuudu ku tilmaamay “khalad wayn oo ku dhacay taariikhda” mar uu hadlay balse waxay ku tahay mid ka mida waji gabaxyadii ugu cuslaa ee ay Yuhuudu la kulmaan Maamul Maraykan ee waligood la sabi jiray sida sabiga oo ay isku halayn dabada uga nuugi jireen balse waxay u muuqataa Dibiga gawrac wayshu ha ku quus qaadatee.
halka maamulka Obama ay tuseen in ay muhiim tahay Quwada Adduunku in ay hogaamin karto iyadoo ay jirto hurid diblamaasiyadeed oo meel iskugu keenaysa Saaxiibadeed iyo cadawgooda, waxayna samaysay isku dhafnaan siyaasad arrimo Dibadeed oo ay ku jirto kuwo dhaqaale iyo Ciidan iyo kuwo siyaasadeed habkoodii. Waxaana hadda loo baahan yahay diblomaasiyad daray ah iyadoo ay muhiimada ciyaartu isbadashay iyo saamaynteedu waxaana dadka u dhuun daloolaa sheegaan in ay barbar taalo arrin kale oo muhiim ah una eeg in laga booday, haddii aan xal loo helin Iiraan iyo dariskeeda wali in bariga dhexe lagu laddaa ayna laalan tahay si kasta ha iskugu soo dhawaadaan qolooyinkaasiya.
Shuruudaha Heshiiska
• Iiraan waxay yarayn doontaa awoodeeda bacrimineed 2/3 waxayna joojin doontaa isticmaalka dhulka hoostiisa ee qaybta Fardaw.
• Dab dhaliyaha ku shaqeeya biyaha ee Arak in isna meesha laga saaro.
• Iiraan waxa ogolaan doontaa lasocodka iyo kormeerka hay’ada tamarta adduunka bacriminteeda iyo dodobo kale oo farsamo oo badan .
Raadka ay gobolka ku leedahay
Dhinacyada gobolku siyaabo kala duwan ayay usoo dhaweeyeen balse in uu yahay heshiis taariikhiya ciddina ma dafiri karto waxaana lagu bogaadiyaa libinteeda Madaxwayne Obama oo muujiyay geesinimo iyo calool adayg dhagahana ka furaystay Jahmhuuriyiinta la safan yuhuuda.
Habdhaqanka goboleed ee Iiraan mar walba waxa uu hoos yaalaa arrimaha Amaanka heshiis kasta waxa uu keeni karaa in galbeedku helaan fursad ay hab dhaqanka Iiraan ee gobolka ku hantiyaan, taasina waxay ugu dambayntii ka durkinaysaa cunaqabataynta hubka iyadoo loo ogolaanayo in ay hub ka iibsato Raashiya, saamaynta taban ku yeelanaysaa dhaalitiranka hubka waxaana la galayaa tartan hubka ah iyo kala shaki. Maanta bulshada reer Iiraan waxay labban laab ka badan yihiin intii ay ahaayeen dagaalkii Ciraaq, jiilka cusubina xasuustooda kuma jirto wakhtigaas balse sida hadda dareemayaa waxay la noolaayeen cabsi in la filan karo mar kasta weerar kaga yimaada galbeed inta badana wadnaha ayay farta ku hayeen qodaxdaasina hadda way ka fuqday. Heshiiskanina waa tallaabo wayn oo saamayn dhaba ku leh niyada iyo nolosha dadka reer Iiraan ee mudda go’doonka ahaa waxaanay furaysaa daaqad wayn oo mustaqbalka dhaw ah, halka furida albaabadu ay u baahan tahay wakhti ka badan inta hadda jirta. Waxa dadka qaar aad ula yaabeen dareenka isku midka ah ee ay ka bixiyeen Yuhuuda iyo waddamada Gacanku taasi oo dad badan ku riday jahawareer xaga fahamka balse dadka sida dhaw ula socda arrimahan way ka dharagsan yihiin in Iiraan ay dhaqdhaqaaqyo shaqaynayaa ku yeelatay waddamo badan oo markii hore ahaan jiray xulufada Gacanka iskuna badalay xulufo adag oo ay leedahay Iiraan sida Ciraaq, iyo Lubnaan oo ay ka abuurtay ururka awooda badan ee Xisbulah iyoYemen oo Xuutiyiintu fara ba’an ku hayaan, halka Asadna haysto madax usalaaxida Iiraan, waxa intaas sii dheer in ay sheegaan waddamada Gacanku in dhibaatada ugu wayn ee ay la taacaalaan wasaaradaha arrimaha Gudaha ee waddamadaasi ay tahay dhibaatada kasoo buttaacaysa dhagarta ay u maleegayso iiraan dhib wayna ku hayso amaanka iyo caqiidooyinka ummadda Sunniga ah. isbalaadhinta Iiraan hadda waxay u cadday sida cadceeda ciddina ma dafiri karta, balse in laga naxo heshiiskani waa arrin iyana layaabkeeda leh waayo waxay jecel yihiin in Iiraan oo hadda taag daran ay u taag layihiin haddii ay madaxa lasoo kacdana kaga saamayn badan doonto gobolka sidii hore si ka daran shaki gundheerna ka qabaan heshiiskan, waxa iyana su’aal wayni saaran tahay qaabka laba wajiilaynta ee dawada maraykanka ee arrimaha barriga dhexe iyo sida uu iskugu waddi doono dhinacyadan kala falaagoobay iyo sida uu iskugu keeni karo haddii xaaladu xumaato cidda uu daba fadhiisan doono isagoo Ciraaq hadyad u siiyay Iiraan taasi oo ilaa hadda ah hal xidhaale aanay wali dad badan guntiisa dhugan.
Fikradihii:
Marwan Bishara
Marwan Bishara is the senior political analyst at Al Jazeera.
Jane Kinninmont
Jane Kinninmont is Senior Research Fellow on the Middle East and North Africa Programme at Chatham House
Camelia Entekhabifard
Camelia Entekhabifard is an Iranian journalist, TV commentator and author of Camelia: Save Yourself by Telling the Truth - a Memoir of Iran.
Julian Borger in Vienna
Xigasho Aljazeera.net/English
Soo tarjumidii iyo kaabistii afar maqaal oo aan akhriyay ina soo jiitay waxyaabihii u muhiimsanaa.
Ahmed Ali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com

Allaa Mahad leh

himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment