Tuesday, July 21, 2015
“Ma Jiro Sharci Diidaya In Asxaabta iyo Umadu Tashato si Dalka loo Badbaadiyo”Guddoomiye Cirro
Hargeysa July 21, 2015 (Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka Ah WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ayaa cadeeyay sababta ay isbahaysiga mucaaridka Somaliland ugu dhawaaqeen shir qaran oo la filayo inuu qabsoomo Maalinta Khamiista.
Guddoomiye Cirro Waxaa uu sheegay in markii xukuumadu ku guuldaraysatay inay dalka ka qabato doorasho xor oo xalaala,dalkuna uu ku jiro xaalado adag ay xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadashigu iclaamiyeen shir lagaga hadlayo aayaha iyo mustaqlbalka shacabka.
“Maadaama ay xukuumadu qabto inaanay doorasho qaban karaynin ama diyaar u ahayn inay qabato,mudo xileedkeediina gabaabsi yahay, waddankqna uu ka jiro warwar badani, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid nabad galyo, sidaa daraadeed waxaa umada iyo asxaabta mucaaridka ah u muuqatay in loo baahanyahay talo umadeed oo lagaga baxo xaalada uu dalku marayo, mana jirto sharci joojinaya oo diidaya inay umada talo iskula timaado”Ayuu Yidhi Guddoomiye Cirro
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment