Thursday, July 16, 2015

Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qabanqaabada Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cade.

Date: - 16/07/2015
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

Digreetada Madaxweynaha:-

Ku: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Guddoomiye

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin
Ku: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Xubin
Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna
Ku-simaha Maayarka Hargeysa Xubin
Ku: Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi Xubin


Ujeeddo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu'aad Aadan Cadde

Mudanayaal,

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu'aad Aadan Cadde.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu'aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
--

No comments:

Post a Comment