Tuesday, July 21, 2015

Xildhibaan Guurtida ah oo Madaxweynaha ugu Baaqay inuu Awooddiisa Dastuuriga ah u adeegsado Xalka Khilaafka Siyaasadeed ee taagan

Hargeysa, 21 July, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ugu baaqay inuu keeno xal lagu fardaamiyo muranka Siyaasiga ah ee ka taagan wakhtiga doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la qaban doono oo ay Guurtidu xilli ku saleeyeen, halka Xisbiyada iyo Xukuumadduna heshiis ay gaadheen wakhti kaas ka duwan kaga saleeyeen.
1110a3b0ca7913676d38f6a77d3c0478_LXildhibaan Obsiiye, waxa uu ku dooday in Golaha Guurtidu go’aan Dastuuri ah gaadhay, balse aanay sharci u haysan dib uga noqoshada go’aanka ay ku kordhiyeen muddada sannadka iyo 10-ka bilood ah, taas beddelkeedana Madaxwene Siilaanyo haysto fursado sharci oo uu go’aan kaga gaadho wakhtiga doorashada la qabanayo.
“Dalka waxaa u Madaxweyne ah Oday Siilaanyo.isagaa Madaxweyne ah, Shacabkuna cod badan buu siiyay oo waa la doortay. Ha la doortee dalku Dastuur buu leeyahay, Dastuurku annaga muddo-kordhiya wuu na odhanayaa, laakiin, ka noqda nama odhanayo, taasi meesha nooma taal, waxa-se meesha yaal Dastuurka marka qodobka 38-aad laga soo qaado illaa dhammaadkiisa waxaa ku xardhan awoodda Madaxweynaha. Awoodda Madaxweynuhu Siyaado weeye, dalkana isagaa u Madaxweyne ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa.
Xildhibaan Obsiiey oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay; “Marka hore waxay ahayd inaannu Madaxweynuhu ka garab-bixin Guurtida oo uu muddo-kordhintii Guurtida ku daayo, laakiin, haddii uu Xukuumaddii iyo Asxaabta gogol u fidiyay oo ay heshiiyeen, waajibka jiraa waxa weeye inuu isagu xal keeno.”
“Dastuurka ayaa wax u bannaynaya ee waa inuu dastuurka raaco. Dastuurku wuxuu u bannaynayaa laba qodob, kow inuu isagu soo saaro wareegto oo yidhaa doorashadaydu wakhtigaas bay ku eeg tahay, ama tii Xisbiyada ha raaco ama ha ka baydhee. Qodobka labaad waxa weeye inuu Komishanka u yeedho oo yidhaa wakhtigiina cayima ama Wakhtigoodii hore ha ku eegaadan ama mid kale ha raacaane, dabeedna isagu wareegto ku lifaaqo. Inuu se guurtida ku meeraysto oo yidhaa guurtida ayaanu la hadlaynaa waajib uma leh, guurtidu way kordhisay way isku khilaaftay anigu waan ka soo horjeeday maantana meel ay ka noqoto ma hayso.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye.
Gabogabadii Xildhibaan Axmed Obsiiye waxaa uu Madaxweynaha u diray su’aal ah inuu awoodiisii haysto iyo in kale, waxaanu yidhi; “Farriinta aan Madaxweynaha u dirayaa waxa weeye horta dalka isagaa ka Madaxweyne ah. Laakiin, bal Madaxweynaha waxaan su’aalayaa awooddii Madaxweynuhu xaggay ku luntay?, wakhtigii u dambeysay ee Rayaale ee la isku qabtay doorashada Baarlamaanka si cad buu awood ugu soo saaray, kana awood buu xaq u leeyahay, dee awooddiisu halkay ku luntay ayaynu isaga waydiinaynaa? Miyuu ka tanaasulay awooddiisii? Dastuurku wax buu u banneeyay, waxaan ugu baaqayaa xal adigaa lagaa rabaaye xal keen Madaxweyne.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment