Tuesday, July 21, 2015

Badhasaabka Awdal oo Shaaca ka Qaaday Baahi Maamul & Wax-qabad oo Fadhiid ka dhigay Adeegyadii bulshada Gobolkiisa

Boorama, 21 July, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa fadhiid ka gaabiyey gudashada waajibaadka saaran iyo u adeegista shacabka ku tilmaamay inta badan hay’adaha dowladda ee ka hawl-gala gobolkiisa, waxaanu ku gooddiyey inuu madaxweynaha iyo shacabka u soo bandhigi doono masuulka ka caga-jiida xil-gudashada masuuliyadda uu hayo.
sawweBadhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu sheegay in laba meelood oo ka mid ah saddex meelood marka loo qaybiyo xafiiska dowladda ee gobolku aanay shaqaynin, gobolka Awdal-na ka arradan yahay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, isagoo si gaar ah u tilmaamay haya’daha garsoorka iyo caafimaadka.
“Kow iyo labaatanka hay’adood ee dawladda halkan ka jooga, Shan iyo Toban ka mid ahi waa fadhiid, waxba idiin qarin maayo, waanay maqlayaan isuduwayaashaydii. Dhakhtarkii baa fadhiya, Maxakamadii baa xun, beerihii baa xun, xannaanadii xoolaha ayaa xun,” ayuu yidhi Mr Ramaax, waxaanu intaas ku daray, “Wasaarad-wasaarad baan u galayaa oo igu Wallaahi ah, waxaan ballan qaadayaa in haddii wasiirku beddeli waayo inaan Saxaafadda kaga hadlayo, inaan madaxweynaha kala hadlayo oo aan gaadhsiinayo. Marka dhakhtarkii Boorama xidhan yahay ee Masuuliyiinteedii oo dhammi joogaan ee wasaaraddii caafimaadku joogto.”
Badhasaabka Awdal waxa uu weedho hanjabaad iyo gubaabo ah u jeediyey madaxda ka hawl-gasha laamaha dowladda ee gobolka Awdal iyo Wasiirrada ay gobolka uga masuulka yihiin, waxaanu yidhi, “Waar shaqada iyo xilka uu dadka u hayo qofku haddaanu u gudanayn siday tahay ha u baneeyo qof u qabanayaa ha u yimaadee. Wasiir kastow maqal, masuulkasta oo Hargeysa joogow maqal, midkasta oo qabiil ku shaqaynayow maqal, waa inuu gobolkani ka baxaa meelaha fadhiidka ah oo qof walba oo masuul ahi shaqadiisii gutaa, haddaanu gudanayn ha soo codsado ruqsad cid soo buuxisa ayaanu keeniye.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment