Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar (Xoor-xoor) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay dadka qaxootiga ah oo ku soo beegmay xilli cimiladu kulushay ay u fidiyeen dhammaan adeegyadii ay u baahnaayeen isla markaana dejiyeen meel ay ku nastaan.Dadka Qaxootiga ah oo u badan Soomaalidii ku jirtay Xeryaha Qaxootiga ee dalka Yemen oo intooda badani u dhasheen dalka Soomaaliya, ayaa la dejiyey goobo ay muddo saddex maalmood ah si ku meel gaadh ah ugu nastaan, ka hor inta aanay u anba-bixin deegaanadii ay u dhasheen Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, sida uu sheegay maareeye Xoor-xoor.
Tirada Qaxootiga Yemen ee shalay dalka soo gaadhay oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee mar kaliya soo wada-gaadha Somaliland tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka dalka Yemen bishii April ee sannadkan, ayaa tirada guud ee Qaxootiga Soomaalida iyo Carabta isugu jirta ee dalka soo gaadhay ka dhigaysa tiro ku dhow sagaal kun oo Qof, sida uu sheegay maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment