Wednesday, July 22, 2015

Mooye-sixaha aynnu cabnaa intee in le’eg bay saxar la’ yihiin?-W/Q. Axmed Ibraahin Cawaale

Waxa la sheegayaa in ay hadda dalka soo galeen mooye-sixe laga keenay Itoobiya. Dadka daneeya koboca dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka gudaha ayaa qaarkood diidmo ka muujiyeen. Waa arrin fiican in dhiirri-gelin la siiyo wershadaha gudaha, maxaa wacay, lacag adag oo bixi lahayd ayay baajinayaan, dadna shaqo-abuur bey u tahay. Se, anigu qof-ahaan, wax badan baan is-weydiiyaa, intee in le’eg ayay yihiin mooye-sixaha aynnu cabnaa qaar la jaan qaadsan heerka tayo ama caafimaad ee adduunweynuhu u dejiyay? Miyaanay se dhibaato ahayn in qofkii u iibsanayay mooye-sixo ahaan in ay noqon karaan qaar halis caafimaad ku keeni kara?
Adduunweynaha, si xilliyeysan ayaa loo baadhaa tayada mooye-sixaha. Si ay dhiirrigelin ugu noqoto cidda ugu wax-soo-saar wanaagsan waa la abaaliyaa. Cidda soo saarta biyo tayadoodu ka hooseyso heerkii loogu talo galayna waxa la siiyaa tilmaamo iyo digniino; qaarkooda ganaax baa la saaraa ama mararka qaar albaabada ayaa loo xidhaa wershadahooda. Maxaa yeelay CAAFIMAADKA BULSHADA AYAA MACAASHKA KA HORREEYA.
Innagu ma lihin agaasin ku saabsan dhawrista tayada biyaha oo inta badan la hoos geeyo ‘komishanka ilaalinta badbaadada cunnada iyo dawooyinka’ (food safety and drugs commission) – kaas oo ku qalabaysan qalab iyo farsamoyaqaanno. Waxaana uu agaasinkaas oo kale si kedis ah u baadhaa warshadaha mooye-sixaha soo saara. Muunado ayaa laga soo qaadaa, waxaana la geeyaa shaybaadh. Waxaana lagu kala asteeyaa dhowr jaranjaro: Biyo saxar la’, biyo aan ku habboonayn in la cabbo iyo biyo ka hooseeya heerkii loo dhigay (se aan dhibaato weyn lahayn). Waxyaabaha loo fiiro yeesho waxa ka mid ah “heerka pH” (pH level) oo ah hilaadinta naqaska Haydroogiin ee ku jira biyaha oo loo baahan yahay in aanu ka yaraanin 6.5-8.5 pH.
Dalkeenna ugu yaraan 15kii gu’ ee u dambeeyay waxa ka hana-qaaday tobaneeyo shirkadood oo mooye-sixaha soo saara. Hase yeeshee, ayaan-darrada jirtaa waxa ay tahay inaanay jirin cid uba aragta in dhibaato halkaas ka iman karto. Sidaas daraaddeed, waxa habboon in la dhiso agaasinkii tayada biyaha lagu iibiyo magaca mooye-sixe – kaas oo la hoos gayn karo Wakaaladda Biyaha ama Agaasinka Tayo-dhawrka.
Inta aan la gaadhin yoolkaas, goor walba waa jiraya dareen cabsiyeed oo uu qofka macmiilka ahi ka qabi karo biyaha uu ku cabbayo magaca mooye-sixe. Waxaana ay arrintaasi gacan siin kartaa in uu macmiilku u iisho in uu iibsado mooye-sixe meel kale laga keenay.

Axmed Ibraahin Cawaale
Email: aiawaleh@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment