Wednesday, July 22, 2015

Guddoomiye Cirro Oo Tacsi U Diray Marxuum Sh. C/laahi Diiriye Sooraan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka Golaha Wakiilada iyo ka Xisbiga WADDANI Wuxuu Tacsi U Dirayaa Culimada cuqaasha salaadiin Boqorada wax-garad iyo bah-weynta fanka & Sugaanta Iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum C/laahi Diiriye Sooraan Oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargeysa 22.07.2015

Guddoomiye Cirro ayaa Ku sifeeyay Marxuumka inuu ahaa nin cibaado badan oo taqwo iyo ALLLE ka cabsi ku can baxay, ,Isgaa hadda ka mdi ahaa culimada dalka waxaanu sidoo kale ahaa Marxuum Sh.Cabdilaahi Sooraan Mu’adin ka Eedaama Masaajidka Nakhiil ee Magaalada Hargeysa

Md. C/raxmaan Cirro ayaa sidoo kalena wuxuu tacsi taas lamid ah u dirayaa Eheladii, Asxaabtii, Qarabadii iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Sh.C/laahi Diiriye Sooraan oo saaka ku geeriyooday magaalada Hargeysa 22, 07, 2015

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu Illaahay uga baryeyaa inuu janatul Fardawsana ka waraabiyo, Ehelkii , Qaraabadii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.

Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.

No comments:

Post a Comment