Wednesday, July 22, 2015

Dawladda Britain oo Sharci Go’aanno adag leh ka soo saartay Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha iyo saamaynta Soomaalida

 

London, 22 July, 2015 (Himilo)- Dawladda waddanka Britain, ayaa shaacisay inay Baasabboorrada ka qaadayso dadka loo tuhmo inay Carruurtooda, gaar ahaan Gabdhaha dibedda ku soo gudaan, khaasatan Gudniinka Fircooniga ah, isla markaana cidda uu dembigaasi ku caddaadaa la kulmi doonaan Ciqaabo culus oo kala duwan.
RAYSAL-WASAARAHA BRITAIN DAVID CAMERON AFTAHANWaxa sidaa shaaca ka qaaday Raysal-wasaaraha dawladda Britain David Cameron oo khudbad dheer oo uu jeediyey kaga hadlay Siyaasadda dalkiisu kula macaamilayo dhalinyarada ku biiraysa kooxaha Xag-jirka ah gaar ahaan Kooxda dawladda Islaamiga ah la baxday ee Daacish (ISIS) oo uu khudbaddiisa xoogga ku saaray. Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron, ayaa Isniintii jeediyey khudbad dheer oo uu xoogga ku saaray la dagaalanka kooxaha xagjirka gaar ahaan kooxda Daacish oo ay ku biireen dad badan oo u dhashay dalkiisa.
Ra’iisal-wasaaraha Britain David Cameroon, ayaa ka sokow xag-jirnimada si adag khudbaddiisa ugaga hadlay Gudniinka Fircooniga ah ee lagu sameeyo Gabdhaha yar-yar, waxaanu sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono ciddii kiis Gudniniin Fircooniga ah Gabadh uu dhalay ku sameeya. Waxa uu Raysal-wasaaraha Ingiriisku faahfaahiyey sharci cusub oo Jimcihii dalkaas ka dhaqan-galay, kaasoo dhigaya in Baasabboorrada lagala noqdo Gabdhaha loo tuhmo inay u safrayaan dibedda Britain si loogu soo gudo.
“Waxa i damqaya inaan maqlo inay dalkeenna jiraan illaa afar kun oo Gabdhood oo la guday sannadkii hore oo keliya. Ka fikir kummaan kale oo dhacdo!. Taasi waa sababta uu mar horeba Xoghayaha arrimaha gudaha Britain ugu dhawaaqay dib u eegis ku saabsan Maxkamadaha dhinaca Shareecada wax ku xukuma.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Ingiriisku.
Mr. Cameron oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waxa weeye taasi sababta aannu u nidhi waxaan adkaynaynaa Shuruucda la xidhiidha arrintan. Sidaa daraaddeed, waxaannu Dugsiyada Waxbarasho faraynaa inay soo sheegaan Carruurta Ardayda ah ee ka maqan sannadka badhkiisa. Sidoo kale, waxaan aamminsanahay in qaarkood lagu qasbay Guur.”
“Waxaana sababta aan Sharcigan uga dhignay in Baasaabboorrada laga qaado dadka qorshaynaya inay Gabdhohooda yar-yar u qaadaan dalka dibeddiisa si ay u soo gudaan. Waxaana markii ugu horreysay Sharcigan dhaqan-geliyey Ciidanka Booliska oo ka hor-tegay, gacantana ku dhigay Laba Hablood oo loo sii waday Afrika si loo soo gudo.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha dawladda Britain.
Sharcigan cusub ee ay dawladda Britain meel-marisay, ayaa si weyn u saamayn doona Bulshooyinka Islaamka ah ee ku dhaqan waddankaas, gaar ahaan Soomaalida, Masaarida iyo kuwo kale, kuwaasoo in badan oo ka tirsani Caado iyo Dhaqan ahaan weli u isticmaalaan Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha oo Diiniyan Xaaraan ah, isla markaana Xad-gudub ku ah Gabdhaha yar-yar ee Jidhkooda la waxyeellaynayo, sida ay Culimada Islaamku badi ka midaysan yihiin.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment