“Shirku wuu qabsoomayaa haddii xukumaddu jeceshahay iyo hadday neceb tahayba. Haddii cududi timaado, cududdii Maxamed Siyaad Barre-ba socon wayday, cudud soconaysaa ma jirto…” – Xasan Guure.
“Waxaan u sheegayaa cid kasta oo ku naalloonaysa ama ku hadaaqaysa inay nabadgelyada Qarankan khatar geliso ama ay carqaladayso Ciidanka Boolisku wuxu diyaar u yahay inay gacan adag oo bir ah ku qabtaan.” – Taliyaha Booliska
Hargeysa, 22 July, 2015-(Himilo)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa heegan buuxa oo dalkoo dhan ah la geliyey, si ay uga hor-tagaan, isla markaasna u baajiyaan Shir talo Qaran ay ugu yeedheen Is-bahaysiga Mucaaradka ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, shirkaas oo ay sheegeen inuu socon doono 23-ka illaa 26-ka bishan Julay ee aynu ku jirno.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulankaasi ka hadlay, waxaanu yidhi; “Maaddaama oo aanay Xukuumaddu doorasho qaban karayn ama aanay diyaar u ahayn inay qabato, maaddaama muddo-xileedkeedu gabaabsi yahay, waddankana uu jiro welwel badan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid amni, waxay noogu muuqatay talo ummaddeed in la helo oo lagaga baxo xaaladdan aynu ku jiro. Markaa, sidaas darteed, ma jiro Xeer ama Sharci u diidaya in Asxaabtu shirto oo tashato oo ummaddana talada ka qayb-geliso si ummadda loo badbaadiyo.”
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, ayaa isna tilmaamay in Shirka Mucaaradku hirgeliyo haddii Xukuumaddu jeclaysanayso iyo hadday neceb tahay-ba; “Shirku wuu qabsoomayaa haddii Xukuumaddu jeceshahay iyo hadday neceb tahay-ba. Haddii cududi timaaddo, cududdii Maxamed Siyaad Barre-ba socon wayday, cudud soconaysaa ma jirto, cidda taas qabtaana candhuufteeda ayay dib u liqi.
guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xasan Guure, ayaa ku gooddiyey inay jawaab ka bixin doonaan awood kasta oo xukuumaddu kaga hortagto qabsoomidda shirka, “Shirku wuu qabsoomayaa haddii xukumaddu jeceshahay iyo hadday neceb tahayba. Haddii cududi timaado, cududdii Maxamed Siyaad Barre-ba socon wayday, cudud soconaysaa ma jirto, cidda taas qabtaana candhuufteeda ayay dib u liqi. Hore waxaan u idhi hadday gaadho 27-ka July, aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo kursiga ma kala xigno, Isaga muddo ayaa la doortay, 27-ka hadday gaadho wakhtigii la doortay maaha ee way ka dhammaatay.”
Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiir Ku-xigeenka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Cadarre, ayaa gelinkii dambe ee shalay Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo bandhigeen dhoolla-tus ay sameeyeen Ciidammo heegan la geliyey.
“Nabadgelyada guud ee dalku way wanaagsan tahay. Ujeeddada guud ee aannu galabta (shalay galab) isugu keennay waa diyaar-garoow iyo xoojinta amniga, kumana koobna Caasimadda oo qudha, ee dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan Ciidanka Bilaysku wuxu galay heegan. Waxaanay heegan u yihiin hawlohoodii caadiga ahaa ee nabadgelyada ee ay qabsan jireen iyo cid kasta ama isku dayda inay nabadgelyada Qarankan iyo Bulshada reer Somaliland ay nabadgelyadooda wax u dhinto, ayaa Ciidanku u diyaar-garoobay, iyagoo tallaabo Sharciga waafaqsan oo adag qaadaya.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal.
Waxa uu Taliye Fadal oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi; “Waxay Saraakiisha halkan taagan, Saraakiisha sare, Saraakiisha dhexe iyo Ciidanka halkan joogaaba heegan u yihiin oo ay u darban yihiin, cid kasta oo nabadgelyada isku dayda inay carqaladayso ama sifo sharci-darro ah istidhaahda nabadgelyada khalkhal ku geli, Ciidanka Boolisku waxay diyaar u yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan. Waxaan u sheegayaa cid kasta oo ku naalloonaysa ama ku hadaaqaysa inay nabadgelyada Qarankan khatar geliso ama ay carqaladayso Ciidanka Boolisku wuxu diyaar u yahay inay gacan adag oo bir ah ku qabtaan.”
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu digniin u diray Ganacsatada Huteellada waaweyn ee shirarka lagu qabsado ee Hargeysa, waxaanu duray shirka Mucaaradku ku baaqay. “Waxaad la socotaan inay Mucaaradkii iyo Madashan aan sharciga ahayni ku dhawaaqeen inay qaban doonaan shir qayrul-sharci ah. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Ciidammadu Mucaarad iyo Muxaafid-ba amnigooday ilaaliyaan.” Sidaa ayuu yidhi Cadarre.
Ku-xigeenka Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka gobollada iyo degmooyinka Axmed Cadarre, waxa uu yidhi; “Waxaannu uga digaynaa Shacabka reer Somaliland, khaasatan Ganacsatada kiraysa ama leh Hoolalka lagu shiro ama Guryaha waaweyn ee lagu qaban karo shirkaasi, inaan shir aan sharci ahayn oo khalkhal gelin kara amniga Qarankeenna aannaan raalli ka ahayn, lana qaban karin, ciddii qabataana ay masuuliyaddeeda qaadan doonto….Lama qaban karo, Shir aan sharci ahayn Sharcigeennaan oggoleyn.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment