
“Haddaanu nahay xukuumadda, waxaanu halkan ka caddeynaynaa inaanay jirin wax ciidan la qorayo oo la geynayo Sucuudiga ama dagaal kale loo wadaa aanay jirin. Masuuliyiinta Mucaaradka qaarkood, ayaa waxay soo cel-celiyaan in la qorayo Ciidamo la geynayo Sucuudiga, markaa waxaanu umadda reer Somaliland u caddeynaynaa inaanay waxba ka jirin, warkaasina yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan jecelahay inaan ku booriyo masuuliyiinta mucaaradka waxaan jirin ee ay ka faafinayaan dalka,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Axmed-Keyse.
Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay dalka uga bilaabi lahayn Askar loo qorayo dowladda Sucuudiga oo ka qayb-qaata dagaalka lagala soo horjeedo Jabhadda Xuutiyiinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment