Tuesday, July 21, 2015

Hargeysa: Isbeddel mar kale lagu sameeyey Hannaanka Waddo-marista oo shalay hirgalay

Hargeya, 21 July, 2015 (Himilo)- Wax-ka-beddel mar kale lagu sameeyey hab-socodka gaadiidka ee jidadka hal-bowlaha ee Caasimadda oo isticmaalaya hal haad oo jiho kaliya u socda, ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay shalay, iyadoo go’aankan oo dowladda Hoose dhaqan-galisay burinayo wax-ka-beddel uu wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku sameeyey jidadka waaweyn ee Hargeysa lix bilood ka hor.
kala-badalJidka wadnaha Caasimadda ee hor-mara madaxtooyada Somaliland oo lix bilood ka hor loo beddelay hal haad oo baabuurtu u socdaan jihada Galbeed, ayaa loo beddelay inay gaadiidku u socdaan Jihada Bari iyagoo dhinaca Galbeedka ka imanaya, halka waddamada xagga dambe ka marta cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo markii hore loo beddelay hal haad oo baabuurtu u soconayso Jihada Bari loo beddelay inay u socdaan Jihada Galbeed. Waxaanu go’aankan labaad jaah-wareer ku keenay gaadiidleyda oo subaxnimadii shalay isu-dhex-qaadayey jihooyinka Bari iyo Galbeed ee waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda, iyagoo gaadiidleydu isugu jirtay kuwo fulinayey wax-ka-beddelka iyo qaar aan waxba ka ogeyn go’aanka loo ballansanaa inuu hirgalo shalay subax.
Hawl-gal ciidamada nabad-gelyada waddooyinku ku hirgelinayeen go’aankan oo laba todobaad ka hor la shaaciyey, bulshadana loo mariyey farriimo loogu diray telefoonnadooda gacanta, waxa shalay goob-joog ka ahaa hoggaanka sare ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay ka mid yihiin Maayar ku-xigeenka Hargeysa iyo Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose.
Ku-simaha Maayarka Hargeysa ahna ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) iyo Xoghayaha Dowladda Hargeysa Ibraahim Axmed Raabbi oo war-fidiyeennada la hadlay, ayaa sheegay in nidaamka cusub ee waddo-marista caasimaddu waxtar sidii hore ka duwan u yeelan doono bulshada.
Maayar ku-xigeenka oo ugu horeyn hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in wax-ka-beddel lagu samayn doono goobaha ay joogsadaan basaska dadweynaha xilliyada ay u kala gooshayaan xaafadaha magaalada, waxaanu yidhi, “Waxaa aan marka ugu horeysa halkan uga mahad naqayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliyaha ciidamada booliska, taliyaha Taraafikada, waxaanan uga mahad-naqayaa sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyen. Waxaa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa dadweynaha gaadiidleyda ah ee ku dhaqmay amarradii naga soo baxdey. Waxaa kale oo aan maanta halkan ka sheegaya in talaabada tan ku xigtaa ay noqon doonto bas Stop-kii , caasimaddana uma ogalaan doono inay waddooyin cidhiidhi noqdaan, gaadhi bas ah oo meel walba iska istaagi doonana ma jiri doono.”
Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabbi oo faa’idada isbeddelkani u leeyahay gaadiidleyda iyo isu-socodka jidadka caasimadda, ayaa yidhi, “Hannaankan cusubi waa mid lagu kala yareynayo culeyska gadiidka caasimada Hargeysa, horana isbeddelku tijaabo ayuu ahaa iminka kii rasmiga ahaa weeyi, markaas waxyaabihii ka soo baxay isbeddelkii hore ee uu khaladku ka jirey ayuun baa la saxayey ilaa saakana (shalay subax) waanu kormeereynay, wax walba sidii loogu talo galay ayey u socotaa ilaa hadda.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment