Tuesday, July 21, 2015

Xukuumada Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Kireysa Hoolalka Lagu Shiro Iyo Bileyska Oo Heegan La Galiyay.

 

“Cidii Qabata Shir Aan Sharci Ahayn, Gacan Bir ah Ayay ciidamadu ku Qabanayaan”Taliyaha Ciidamada Bileyska.

Hargeya July 21, 2015(Himilo)-Ciimada bileyska ayaa heegan adag la galiyay si looga hortago amni darada ka dhalan karta   shir ay ku baaqeen asxaabta mucaaridka Somaliland iyo odayaasha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo lagu wado inuu magaalada Hargeysa ka qabsoomo maalinta khamiista.
Isbahaysiga mucaaridka ayaa maanta iclaamiyay inay qabanayaan shir qaran iyagoo ku hanjabay inaanay ogalaan doonin cuduud kasta oo ka hor timaada qabsoomida shirkaas.
Taliyaha ciidanka bileyska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dhamaan ciidamada bilaysku meelkasta oo ay joogaan la heegan galiyay si ay u sugaan nabad galyada shacabka isagoo digniina u diray cidkasta oo ku dhaqaaqda falal amni daro horseedi kara.

 
“Nabadgalyada dalku way wanaagsantahay, ciimadamada waxaanu halkan iskugu keenay waa diyaar garow iyo xoojinta amniga ah, kumana koobna caasimada oo kaliya ee dhamaan magaalooyinka Somaliland oo dhan ciidanka booliisku wuxuu galay heegan, waxaanay heegan u yihiin cidkasta oo isku dayda inay ku kacdo falal nabadgalyada qaranka Somaliland waxyeeli kara, talaabo sharciga waafaqsan ayay ka qaadayaan cidii nabada khalkhal galisa, gacan bir ahna way ku qabanayaan”Ayuu yidhi Taliyaha Ciimada Bileyska Somaliland.
Geeska kale, waxaa isna halkaasi fariin u diray ganacsatada huteelada iyo shacabka wasiir ku xigeenka maamulka magaalooyinka iyo degmooyinka ee wasaarada arimaha gudaha “Wasaarada arimaha gudaha iyo ciidamada bileyska waxay amnigooda masuul ka yihiin mucaarid iyo mucaafidba, waxaanu uga digaynaa shacabka reer Somaliland gaar ahaan ganacsatada kireysa ama leh hoolalka lagu shiro,inaan shir aan sharci ahayn oo khalkhal galin kara qarankeena aanaan raali ka ahayn cidii qabataana masuuliyadeeda ay yeelanayso, Nabadiinana Ilaashada, Shir sharci daro ahna ma ogalin”Ayuu Yidhi Wasiir Ku Xigeenka Maamulka magaalooyinka Iyo Degmooyinka Mudane Cadare.
Hawlgaladan heeganka lagu galinayo booliis ayaa imanaya saacado ka dib markii maanta isbahaysiga mucaaridka Somaliland ku dhawaaqeen shir qaran oo la iskugu yimaado 23 july si looga tashado danta qaran iyo mustaqbal umada.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment