Thursday, July 16, 2015

“ Waxaan leeyahay Kelmada Suldaanku Masaajidka Kagabaxaayey Yaan Lagu Qaloocin”Boqor Buurmadaw Oo Difaacay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

Hargeysa 16July 16, 2015(Himilo)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mida salaadiinta Somaliland ayaa markii u horaysay difaacay hadal kasoo yeedhay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ahaa in laga shaqeeyo midnimada somaliya oo maalmihii u danbeeyay warbaahintu dal aad u hadal haysay.


Boqorka ayaa hadalka suldaanka kasoo yeedhay ku tilmaamay mid uu kaga baxsanayay maamulka Puntland oo uu tagay inuu xabsiga kasoo Daayo Abwaan Cabdi Waaxid Gamadiid.


Boqor Cismaan Buurmadaw Waxaa uu sheegay inaan la rogin hadalka suldaanka ““Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ma dayrkii makuu gubay?, waxaa maalmahan arkaayey weerar ku socda suldaanka haba ugu xoog badnaadeen rag salaadiin ah oo saxaafada ku weeraray. runtii dhaqan ahaan anigu majecli inaan nin hadalkiisa qodob raaco ee waxaan jeclahay inaan maro wado cusub marko koowaad suldaanka waan hambalyaynayaa xilbuu dhamaanteen inaga furtay, abwaankeenii qaaliga ahaan oo dulmi ku xidhan ayuu gur mad ugu baxay kuna soo guuleystay . waxaa kale oo hambalyaynayaa isimada iyo xukuumada puntland oo tixgeliyey ixtiraamay suldaanka iyo shacabka soomaaliland waxay sameeyeen gobonimo inaga iyo suldaankaba way nagafarxiyeen . suldaanku sidii gobi yeelijirtay buu yeelay kelmadii ay ku farxi karayeena wuu yidhi.” Ayuu Yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw.




Sidoo kale Waxaa Boqor Buurmadaw Tusaale usoo qaatay sheeko dalka ka dhacday wakhtigii dagaalada sokeeyo dalka ka socdeen “hadaba dadkan dhaliilaya waxaan ku sagootiyayaa maahmaahdan sheeko kadhacday Hargaysa oo kudhamaatay ceerigaabo dagaalkii habarbartii ayaa nin reer ceerigaabo oo jibriiltuurwaa ah baa wuxu dilay nin ciidagale ah oday maxamed degel oo ay isxigaan gacanku dhiiglaha ayaa hargaysa galay qoladii ninka lagadilay baa masaajid kuqabatay markaasuu ku yidhi waar labamagood baanu idinsiinaynaaye ceerigaabo kaalaya markii ayceerigaabo tageen baywaydiiyeen labdii magood wuxu ugu jawaabay waar ma magtii dheeraadka ahayd ee aan masaajidka kagabaxayey ayaad run uqaadateen sheekadii halmag ayay ku gabagabowday reer soomaliland waxaan leeyahay kelmada suldaanku masaajidka kagabaxaayey yaan lagu qaloocin”.


Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment