Monday, July 20, 2015

Waanada Sh Aadan Siiro, War la’aanta jirta iyo Warwarkeyga

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) waxa uu ka mid yahay culimada ugu magaca iyo muuqa dheer dalka sidoo kalena wuxuu yahay dadka faro ku tiriska ah ee dalkan iyo dadkan tacab muuqda iyo mid la mahadiyeyba galiyey, Waa sheekh Alle swc siiyey hibooyin badan oo ay kow ka tahay hirgalinta mashaariico waaweyn oo anfac u leh dalka iyo hagaajinta illaalaha adeega bulshada oo diinteenu kow ka tahay.
Waa sheekh cannaantiisa dad badan oo aan caddaaladda jecleyni ciil iyo cadho ka qaadaan, marku wax toosinayo ama tilmaamayo, kama ah shaqsi naceyb balse waxaad ka dhex dheehan kartaa hadaladiisa kuwo ku qotoma qiimaha qarankeena iyo ka illaalinta wax kasta oo carqalad galin kara xasiloonida iyo xushmada qarankeenu ku leeyahay mandaqada aynu ku nool nahay.
Waxaad moodaa iney fahmaan wuxuu ka hadlayo cidda og Somaliland iyo sawirkeeda siyaasadeed sida uu yahay hadda iyo sida uu noqon doono
Sheekhu wuxuu si cad runta ugu sheegaa muxaafid iyo mucaarid isagoo farta ku fiiqa kolba wixii fidno wado taasina waxay xasad iyo xumaan badan galisay dad badan oo si khaldan ugu fasira dadka wuxuu sheekhu sheego.
Ma dhacdo dad badan oo dalkan adduunkiisa gurta iney dhag jalaq u siiyaan waxa Isaga u muuqda ama ha noqoto kuwo waddaado ah ama ha noqoto kuwo siyaasiyiin ah iyo sidoo kale qaar ka tirsan ganacsatada
Waxaad is odhaneysaa wuxuu ugu lexe jeclo badan yahay kuwa gawaadhida gaashaaman lagu illaaliyo ee hantida ummadda gacanta ku haya ee land cruiser loogu adeego guryahooda, wuxuu ku celceliyaa waar dalkan u tudha waar dadkan eega!
Waxaa ila galay maqaalkan kooban waanadiisii oo wakhti walba taagan iyo isbadal aan ka muuqan qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta oo leh muxaafid iyo mucaarid, ganacsatada, culimada laftirkeeda, iyo inta la yidhaahdo caqliga iyo cilmiga ayey leeyihiin.
Waxa jira dad u arko waddaad dhex gala waxaan habooneyn oo ka hadla siyaasada iwm, waxaan u aqaana aragtidayda shaqsiyanka ah inuu yahay halyey ku suntan qaranka lanaa dareemi doono qiimihiisa iyo qadarka uu leeyahay maalinta aynu wayno.
Waddaad kastaba ummadda wuxuu ugu jiraa kaalintii Nebiga swc waa hogaamiye ku xisaabtaba kolba waxa ka dhacay dhinacyadiisa iyo marxalada siyaaseed ee ummaddu gasho, waa samafale, waa daaci diinta Alle ugu yeedha, dadka, waa damqade u damqada ducafada iyo danyarta duruufaha nololeed hadheeyeen waana dige ka diga xumaanta adduun iyo ciqaabka aakhiro waddaad ninkaas ayaan u aqaan sheekhuna wuu leeyahay sifooyinkaas iwm
Waxa warwar badan igu hayaa dalku halkuu maanta marayo iyo maraxalada uu galay, sida marxalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku jiraan dalalka inala jaarka ah, colaadaha ka holcaya yemen iwm. Dawladii dalka iyo dadkaba loo dhiibay oo ay dul hoganayaan dhaliilo badan waxna ka odhan kari la Sida, Musuq baahsan oo lagu boobay hantidii bulshada ka dhaxeysay, eex iyo qaraaba kiilnimo dib inoogu soo celisay marxalado qadhaadh oo qaranku ka soo gudbay, qabyaalad iyo kala ququb hor leh oo bulshada la dhex dhigay, Somali weyn oo gacan bidixeyn hoose xukuumaddu kula jirto sida wada hadalo madhaleys ah iwm iyadoo dhawaana uu shaaciyey Sir-sidaha Wikileaks heshiish ay xukuumadda Somaliland la gashay dawlada Somaliya oo midnimo soomaaliyeed ah taas oo wali ay dawladdu dhana u sibir saari ladahay, maamulkii dalka oo gacmo badan faraha ugu jiro, kooxaysi ka dhex qarxay xukuumadda dhexdeeda, doorashadii oo meesha laga saaray sida dalku khal khal u galo oo ummaddu isaga hor timaado, wakhtigii xukuumadda oo dhacay iyo xal aan wali laga gaadhin, heshiishki xisbiyada oo meel mari kari la iyo baylahyo badan oo ka muuqda ummadda.
Waxay warwar weyn iga galineysaa in dib loogu noqdo shir beeleedyadii iyo qol qol loo kala fadhiisto xukuumaddana xaalkeedu waa cad yahoo ku cunay ama ku ciideyey
Ee dadka lexejecladu ka hayso dalka sida sheekh adan iyo inta la aragtida ah ee aan ku jiro waxaan ugu baaqayaa in badbaado qaran loo baahan yahay sidanna aan lagu sii daawan Karin dalka maadaama oo ay jiraan kun dirawal oo gaadhigii la saarnaa kolba meel galinaya.

Garyaqaan Barkhad Jamac Xirsi batun
Email: Barkhad909@live.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment