Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray guud ahaan bulshada Somaliland, geerida ku timid marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015 ku geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuumku ka mid ahaa culimo aw diinka dalka in muddo ahna ka adimi jiray Masjid nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimada, isaga oo horrena uga mid ahaa bahda fanka iyo suugaanta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u baahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida weyn looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment