Thursday, July 16, 2015

Ciid Wanaagsan: Bilashada Bisha Shuwaal Oo laga Arkay Somaliland .

Hargeysa 16July 16, 2015 (Himilo)-Deegaamo kala duwan oo ka mid ah gobolada Somaliland ayaa laga arkay bilashada bisha Shawaal (Soonfur), iyadoo imika magaalada Hargeysa Si toosa looga bilaabay takbiirta Iidul Fidriga.
Aragtida bisha Soonfur ee ciidul Fidriga ayaa laga arkay inta badan wadamada Caalamul Islaam waxaana ka mida dalalka dhaca Galbeedka Aasiya, Bariga dhexe, Khaliijka Carabta iyo Caalamul Islaam waxayna dhamaantood iclaamiyeen in maalinta beri tahay Ciid.

Maamulka Iyo Dhamaan Shaqaalaha Waregyska Himilo Waxaa uu idin leeyahay Dhamaan akhristayaasha ku xidhan Himilo Media ee ku kala sugan daafaha dunida oo dhan, waxaan idin soo gudbinaynaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga, taas oo ku beegan maalinta Jimcaha ah Beri ah 17.07.2015 Rabbi dhamaanteen ha inaka aqbalo soonkii bishii Ramadaan, ciiddaan tan ku xigtana nabad iyo caafidmaad ha inaku gaadhsiiyo, ku ciida ciid wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan, Hambalyo ayaan idinleenahay.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment