Thursday, July 2, 2015

1-da Juulay: Maalin Somaliland Eedday-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Khasaarihii ka Dhashay Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya
Shacabka reer Somaliland waxay rajaynayeen inay barwaaqo ceegaagta cagaha la galayaan marka la is-raaco ee ummadda Soomaaliyeed midowdo. Balse waxa ay riyadaasi isu-rogtay riyo maalimeed aanay waxba ka jirin. Dhibaatooyinkii is-raaca ka dhashay way badan yihiin, laakiin waxaynu dul-istaagi doonaa kuwa ugu waaweyn:
• Markii la dhisay dawladdii ugu horraysay ee reer Somaliland ee laga siiyey afar wasiir, taliyaha ciidanka asluubta ee aan wax kale loogu darin, ayey bilaabeen saluug iyo niyad jab. Halka soomaaliya ay qaateen intii ugu badnayd wasiiraddii iyo madaxdii hay’adaha madaxa bannaan.
• Ciidankii Booliska iyo ciidankii xoogga dalka ee reer Somaliland intoodii badnayd waa laga tegay, halka ciidankii Booliska ee soomaaliya loo kala qaybiyey Booliska iyo ciidanka xoogga dalka, oo derajooyina lagu taxay. Ciidankii Somaliland wuu ka aqoon badnaa kuwa soomaaliya, oo waxa ay wax ku soo baran jireen kulliyadii ciidanka ingiriiska ee “San-Heeris”. Oo ku taallay dalka ingiriiska. Dhammaan saraakiishii sarsare ee ciidanka waxa laga dhigay Soomaaliya.
• Cadhadii ka dhalatay isu-dheelitir la’aanta ciidanka ayaa keentay inay saraakiishii laga tegay ee reer Somaliland ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa ciidanku isku dayeen inay sameeyaan inqilaab sannadkii 1961-kii, inkastoo aanay ku guulaysan, balse waxa ay daaha ka rogaysay heerka nacaybka iyo cadhadu ka gaadhay
• Aftidii dastuurka loogu codeeyey ee reer Somaliland ku diideen 75% ayaa ahayd caqabad kale oo farriin toos ah u diraysa midnimadii dhexmartay Somaliland iyo soomaaliya. Dadka coddeeyey ayaa lagu qiyaasay 100,000 (boqol kun oo qof). Dawladdu way ku shubatay, oo waxa ay dafirtay in reer Somaliland diideen dastuurka. Waxa ay sheegeen inay dadweynuhu ugu coddeeyeen 99%. Taasina waxay ahayd been aan beyd run ka ahayn.
• Sannadkii 1962-kii waxa shaqo joojin ku dhaqaaqay ururkii macalimiinta ee Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen barayaasha wax ka dhiga dugsiyada ku yaallay Somaliland. Macalimiintan ayaa ka cabanaysay inay ka mushahar badan yihiin macalimiinta Soomaaliya joogta.
• Xubnihii Baarlamaanka reer Somaliland oo ahaa 33 xubnood, halka reer Soomaaliya ahaayeen 90 xubnood. Ayaa shaqadii ka qaaday cuqdad, ka dib markii cod kasta oo la qaado ay reer Soomaaliya ku muquuniyaan cod aqlabiyad ah. Wax kastoo ka horimanaya danaha reer Somaliland cod ayaa lagu meelmarin jiray.
• Sannadkii 1963-kii ayaa cashuurtii lagu kordhiyey reer Somaliland, taasina waxay keentay is-maandhaaf iyo rabshado. Sayladihii xoolaha ee waaweynaa ayaa albaabada loo xidhay.
• Rajadii shanta Soomaaliyeed (Soomaali weyn) oo dhimatay. Ka dib markii itoobiya iyo kiiniya ay caddeeyeen inay Soomaalida degta dhulkooda ka mid ahaanayaan dhulkooda, oo aanay yeelanayn maamul ka madax bannana dalkooda.
• Kala qaybsanaan ku timid xubnihii Baarlamaanka iyo wasiiraddii xilka hayey. Markii ay is-casileen Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Sh. Cali Ismaaciil oo kala ahaa: wasiirka Waxbarashada iyo Gaashaandhiga, waxa booskoodii buuxiyey Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi “ iyo Ibraahim Cismaan Food, oo loo kala magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Ganacsiga. Waxa kale oo jagadii Baarlamaanka iska casilay Axmed X. Ducaale, booskiisna waxa loo doortay Axmed Ismaaciil (Duqsi). Kala qaybsankani wuxuu saameeyey xubnihii xisbiga SNL.
• Sannadkii 1963-kii ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee wakhtigaasi C/risaaq X. Xuseen (AHUN) ayaa booqosho ku yimid gobolladii waqooyi (Somaliland), isagoo loo soo diray inuu soo dejiyo cadhadii ka dhalatay codayntii dastuurka, ka dib dadkii ayaa ku mudaharaaday oo cabasho kala hortagay. Isu-soo-bax weyn ayaa lagu qabtay Beerta xoriyadda, ka dib C/risaaq ayaa soo galay si dadka ugu khudbadeeyo. Dadkii ayaa dhabarka u jeediyey. Halkii wasiirku uga garaabi lahaa ayuu ku yidhi” reer Hargaysoow sii jeedka ayaad ku qurux badan tihiin”. Manay suurtogalin khudbadii uu damacsanaa
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
Tix-Raac:
Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…………. Cali Jaamac Qalinle
British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper

Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment