Wednesday, July 15, 2015

Denbiga Qofka Soonka jebiya Cudur daar la'aan Q.15aad

Soonka oo la jebiyo Sabab la'aan, ama iska afurnaada Sabab la'aan, waxay ka mid tahay Denbiyada waaweyn, ee Qofku Naarta uu ku geli karo, waxa Nebigu SCW Xadiis ku yidhi:
“Anigoo hurda waxa ii yimi laba Nin [Malaa’ig] waxay I qabteen Cuddudayda waxay I keeneen buur dheer, waxay igu yidhaahdeen kor waxaan ku soo baxay qaylo daran, waxaan idhi; waa maxay qayladani? wuxuu yidhi: waa Qayladii Ahlu naarka, markaasay I kaxeeyaan, waxaan ku soo baxay Qolo boqnaha ka deldelan!, oo Qawlalada ka dilaacsan! oo dhiig ka qubanayo!, waxaan idhi kuwani waa maxay?, wuxuu yidhi: waa kuwii Soonkooda jebin jirey [ama afuri jirey].
Haddaba Xadiiskan oo dheeraa oo Nebiga SCW lagu tusiyey Dadka Ahlu naarka ah iyo sida ciqaabtoodu tahay, waxaan ka aragnaa in Qofka iska afura Maalin Ramadaan ama Soonkiisa jebiya macna la'aan inuu ka mid noqon doono kuwa ciqaabtan xun la kulmi doona, oo inta la foorrariyo oo Cidhbaha laga deldelo Qawlaladii uu cuntada ku cunay la dilaacin doono oo sidaa Dhiig kaga darreeri doono, Illaahay ayaan ka magan galay.
Camalada la sameeyo Bisha Ramadaan

1. Salaada Taraawiixda.

Salaada Taraawiixda oo la tukado Bisha Ramadaan asalkeedu wuxuu ka soo jeedaa Salaadii Habeenka la tukado oo ay bannaan tahay in Qofku fiidka sii tukan karo haddii uu sidaa dan moodo, ama ka baqo inuu Habeenka Saqda dhexe kici waayo.
Haddaba Salaadan oo markeeda hore ah Sunne, waxa la sharciyeey in Qofku gaarkiisa u tukado, laakiin jamaacona waa lagu tukan karaa, Bisha Ramadaan, sida ka sugnaatay Nebiga SCW inuu jamaaco ku tujiyey Saxaabadiisa:
“Waxaanu la tukaney Nebiga SCW, Habeenkii Saddex iyo Labaatanaad ee Bisha Ramadaan, ilaa Saddex meeloodka hore ee Habeenka haddana waxaanu la tukaney Habeenkii Shan iyo labaatanaad ilaa Habeenka kala badhkiisa haddana waxaanu la tukaney Habeenkii Toddoba iyo Labaatanaad ilaa aanu u malaynay in suxuurtu naga tageyso, suxuurtana waxaanu u niqiin, liibaan”.

Xadiiskan oo sixadiisu sugan tahay, wuxuu inoo sheegayaa in Nebigu SCW Saxaabadiisa tujiyey Salaadan Taraawiixda iyagoo jamaaco ah. Daliilka ku soo aroorayna wuu badan yahay.

Fadliga Taraawiixda

Salaada Taraawiixda oo la tukado waxa Nebigu SCW ku sheegay fadli weyn wuxuu yidhi:
“Qofka la tukada Imaamka ilaa uu ka baxo [Salaada] waxa loo qoraa Habeenkaa Qof tukadey [salaatu laylkii].

Faa’iidada Xadiiska
1. Fadliga Taraawiixdu leedahay.
2. In Imaamka lala dhamaysto Salaada oo aan dhexda lagaga tegin.
3. Qofkii la dhamaysta Imaamka in loo qoro Qof habeenkaa Salaatu Laylkii dhamaystay.
4. In ay sharci tahay in Imaamka lala tukado, weliba ay ka fadli badan tahay in gaar loo tukado.

Wuxu kaloo yidhi:. “Qofka Istaaga [tukada] Bisha Ramadaan isagoo rumaysan, Ajrina ku sugaya, waxa loo dhaafaa Denbigiisii hore.

Tan oo inoo cadaynaysa fadliga iyo qiimaha weyn ee uu leeyahay Salaada Taraawiixda oo la tukadaa.
Waqtiga Salaada Taraawiixda

Waqtiga Taraawiixdu wuxuu la mid yahay salaatu laylka caadiga ah, waxaana bannaan in Qofku Habeenka bilowgiisa tukan karo, weliba haddii uu ka baqo inuu Saqda dhexe toosi waayo, Abuu hureyra ayaa yidhi:
“Saaxiibkaygii wuxuu ii dardaarmay Saddex, kamana tegayo ilaa aan geeriyoodo: Bil kasta inaan Saddex Cisho ka soomo, iyo Salaada Barqada [Duxaa] iyo inaan Witrida ku seexdo [ tukado hurdada ka hor]”.

Markaa Qofku wuu qadiman karaa Salaatu laylka, waayo witrigu isagaa Salaada Habeenkii ugu danbeeya oo wax Salaad ah oo ka danbeeyaa ma jiro oo waa lagu soo khatimaa, in kasta oo ay bannaan tahay in Qofku haddii uu witri tukado oo haddana Habeenkii jaanis u helo inuu Salaad u kaco wuu tukanayaa laakiin witri danbe ayaanu la imanaynin, waayo Habeenka laba witri kuma jiraan.

Laakiin waqtiga ugu fadliga badani waa in la tukado Saqda dhexe sida Nebigu SCW inagu dhiiri geliyey markii uu yidhi:

“ Salaad tan ugu fadliga badani, Faralka ka dib waa Salaada Saqda dhexe”.

Tirada Salaada Taraawiixda

Sida aynu sheegnay Taraawiixdu waa Salaadii Habeenkii [salatu layl], tiradeeduna xadi lagu soo koobay ma laha ee Qofku inta uu kari karo ayuu ka tukan karaa, sidaa waxa inoo tilmaamaya Xadiiska Nebiga SCW uu yidhi:
“ Salaada Habeenkii waa Laba Laba (Rakcadood), haddii Qofkiin waaga ka baqo [berigiisa], Rakcad keliya ha tukado, oo witri uga dhigta Salaadisii".

Faa’iidada Xadiiska
1. In Salaada Habeenkii Laba Laba Rakcadood tahay.
2. In aanuXaddi lagu soo koobaa jirin ee ilaa waagu soo dhowaado la tukan karo, hadba inta Qofku kari karo.
3. In Salaada Habeenkii lagu soo afjarayo hal Rakcad oo witri ah.

Haddaba in kastoo aan Xad loo yeelin haddana waxa jira in Nebigu SCW aanu ka badin kow iyo toban Rakcadood, waxaana fiican in Sunaha Nebiga SCW Qofku qaato, Xaaskiisa Caa’isha ayaa tidhi:

“ Ma ahayn Rasuulku mid ka kordhiya Ramadaan iyo qayrkeedba, kow iyo toban Rakcadood”.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment