Wednesday, July 15, 2015

Reer Galbeedka iyo Iiraan oo heshiis ka gaadhay Barnaamijka Nukliyeerka iyo Cuna-qabataynta oo laga qaado iyo Israa’iil & Xag-jirka Maraykanka oo Qaaddacay.

Nuxurka Qodobbada ku xusan Heshiiska iyo Hirdanka gudaha Maraykanka

Viena, 15 July, 2015 (Himilo)- Waddanka Iiraan iyo dalalka reer Galbeedka, ayaa heshiis ka gaadhay muran daba-dheeraaday oo ka taagnaa Horumarinta Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iiraan, waxaana heshiiskan lagu go’aamiyey in dalkaas laga qaado cuna-qabatayn xagga Dhaqaalaha ah oo muddo sannado ah saarnayd.

Wada-xaajood muddo bilo ah u socday Lix waddan iyo dalka Iiraan, ayaa shalay lagu soo af-jaray is-faham laga gaadhay in dalka Iiraan uu dhimo horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka, taas beddelkeedana laga qaadayo cuna-qabatayn saarnayn shidaalkeeda, lacago dibadda kaga xanniban, xayiraadda dhinaca cirka iyo badda iyo socdaallada dibadda ee madaxda dalkaas, haseyeeshee waxa wali cunaqabatayntu saarnaan doontaa Hubka dalka Iiraan kasoo iibsado dalalka reer Galbeedka, marka laga reebo waddanka Ruushka oo marka horeba si toos ah uga iibin jiray hubka.


Wada-hadalladan oo tiraba dhowr lagu kala kacay, waxa magaalada Viena ee dalka Austria ku yeeshay wasiirrada Arrimaha Dibadda Shanta Quwadood ee adduunka oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka & Shiinaha iyo dalka Jarmalka oo loo yaqaano P5+1 oo isku dhinac ah iyo wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan.
Natiijada ka soo baxday wada-xaajoodka u socday Iiraan iyo Quwadaha reer Galbeedka, waxa cambaareeyey dalka Israa’iil iyo siyaasiyiin mayal Adag ka tirsan hoggaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka, iyagoo ku tilmaamay heshiiska inuu muujinayo inay Iiraan ku guulaysatay dibloomasiyadda ay ku difaacayso barnamijkeeda nukliyeerka.
Qodobbada Heshiiska ku jira
Heshiiskan ayaa ku waajibinaya dalka Iiraan inay burburiso laba meelood saddex meelood Qalabka lagu kobciyo iyo keydka Xarumaha Nukliyeerka Iiraan iyadoo beesha caalamku ku kormeerayso. Sidoo kale, waxa uu heshiiskani dhigayaa inay dowladda Iiraan dhinto boqolkiiba 98 kobcinta Macdanta Uranium ee laga sameeyo Nukliyeerka, halka qodobka saddexaad dhigayo in la aqbalo in cuna-qabataynta mar kale la saaro haddii Iiraan ku xad-gudubto heshiiska.
Aragtida Madaxweynaha Iiraan iyo Maraykanka
Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani oo mid taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska laga gaadhay khilaafka Nukliyeerka, waxa uu sheegay in bog bog cusub u furmay xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee Iiraan la leedahay dunida. Madaxweyne Rooxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa, waxa uu sheegay inaanay cuna-qabataynu wax saamayn ah ku yeelan dowladda, balse dhibaatooyin fara-badan ka soo gaadhay shacabka dalkiisa. “kaddib 12 sannadood oo is-faham la’aani jirtay, Quwadaha addunku waxay aqoonsadeen hawlaha Nukliyeerka ee Iiraan, heshiiskani wuxuu meesha ka saarayaa wixii Cuna-qabatayn ah ee jirta,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Rooxaani.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa soo dhaweeyey heshiiska, isagoo ku adkaystay inuu awooddiisa ku difaaci doono heshiiska haddii Aqalka Congress-ka hor-istaago in Maraykanku u hoggaansamo heshiiska.
Madaxweyne Obama oo shalay jeediyey khudbad telefishannada caalamka laga baahiyey, waxa uu sheegay inaanu heshiisku ahayn mid ku dhisan is-aaminaad balse uu yahay mid lagu xaqiijinayo is-fahamka guud. Mr Obama waxa uu tilmaamay in cuna-qabatayn looga qaadi doonto dalka Iiraan si tartiib-tartiib ah, balse waxa uu sheegay in cunaqabatayn hubku sii socon doonto shan ilaa siddeed sannadood oo dambe haddii heshiisku hirgalo.
Diidmada Israa’iil iyo Xag-jirka Maraykanka

Raysal-wasaaraha dalka Israa’iil Benyamin Netenyahu, ayaa si adag u cambaareeyey heshiiska oo uu ku tilmaamay khalad taariikhi ah oo ay sameeyeen dhinacyada go’aanka wada gaadhay, isla markaana uu yahay mid dalka Iiraan fursad u siinaya samaysashada hubka Nuclear-ka. “Waa khalad taariikhi ah oo u saamaxaya Iiraan inay hesho Balaayiin Dollar oo ay ku horumariso barnaajikeeda nukliyeerka, dhul-balaadhsiga iyo daan-daansiga ay ka waddo Bariga Dhexe iyo Adduunkaba,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Yuhuuddu, isagoo intaas ku daray, “Waanu difaaci doonnaa naftayada.”
Dhinaca kale, waxa heshiiska ku gacan-saydhay Siyaasiyiinta mayalka adag ee ku jira Aqalka Odayaasha Maraykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Aqalkaas John Boehner oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo xildhinaan Lindsey Graham oo ah murashax xisbiga Jamhuuriga ugu taagan jagada madaxweynaha dalka Maraykanka.
“Halkii laga joojin lahaa in hubka Nukliyeerku ku fido gobolka Bariga Dhexe, heshiiskani waxa uu dunida ka abuurayaa tartan loo galo helitaanka hub Nukliyeer ah,” sidaas waxa yidhi guddoomiyaha Aqalka Congresska Maraykanka John Boehner.

Aqalka Odayaasha Maraykanka oo gacanta ugu jira xisbiga Jamhuuriga, ayaa muddo laba bilood ah fursad u haysta inuu ku eego heshiiska, in kasta oo madaxweyne Obama sheegay inuu awooddiisa diidmada Qayaxan (Veto) ku hor-istaagi doono go’aanka Congress-ka oo dalka Iiraan ku soo rogay cuna-qabataynta Maraykanku saaray. Madaxweyne Obama, ayaan awood u lahayn inuu cuna-qabataynta ka qaado Iiraan Muddada labada bilood ee loo qabtay Aqalka Congress-ka oo awood u leh inuu diido heshiiska, balse waxa go’aankooda ka awood badan diidmada Qayaxan ee Madaxweyne Obama, iyagoo u baahanaya inay helaan saddex meeloodow laba meelood tirada xildhibaanka golaha si ay waxba kama jiraan uga dhigaan Diidmada Qayaxan ee madaxweyne Obama, taas oo lagu tilmaamay mid aan suurta-gal ahayn maadaama oo tirada xildhibaannada Xisbiga Jamhuurigu gaadhi karin.
Wada-hadallada lagu gaadhay heshiiska, ayaa dalalka Reer Galbeedka iyo dowladda Iiraan u bilaabmay sannadkii 2006-dii wakhtigaas oo Iiraan bilowday barnaamijkeeda Nukliyeerka.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment